MUUQAAL-Sawirro: Baarlamanka Puntland oo la-tashi ku saabsan wax ka beddelka Dastuurka la yeeshay siyaasiyiinta Puntland
02 Nov 2026 (Puntland.com) Baarlamanka Puntland ayaa la-tashi ku saabsan wax ka beddelka Dastuurka la yeeshay siyaasiyiinta Puntland, iyadoo ay siyaasiyiintu soo bandhigay aragtiyahooda, talooyinkooda iyo fikradahooda ku aaddan hindisaha wax-ka-beddelka Dastuurka.
Shirka ayaa qayb ka ah dadaalada wadatashiga iyo ururinta aragtiyaha qaybaha kala duwan ee bulshada iyo siyaasiyiinta Puntland, ee Golaha wakiiilada wado si loo helo talooyin iyo aragtiyo ku aaddan hindisaha wax-ka-beddelka Dastuurka Dowladda Puntland.




































