Maamulka Xasan Sheekh oo sheegtay inay si adag u diiddan yihiin tallaabada Isra’1l ay Ku sheegatay magacaabista Safiir ka Hawlgala Hargeysa
03 Nov 2026 (Puntland.com) Maamulka Xasan Sheekh ayaa sheegtay in tallaabada Israaiil safiirka ugu soo magacowday Somaliland iyadoo aan oggolaansho laga haysan iyaga, ay tahay xadgudub cad oo ka dhan ah madax-bannaanida, wadajirka dhuleed iyo midnimada Soomaaliya.
War-saxaafadeed kasoo baxay Dowladda ayaa lagu yidhi: “Somaliland waa qayb ka mid ah Soomaaliya. Madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya waa in la ixtiraamaa. Midnimada qaranka Soomaaliyeedna gorgortan ma leh.”

