Sawirro: Wasiirka Beeraha & Waraabka Puntland oo ka qayb galay shirka dib-u-eegista heerka dhexe ee mashruuca FSRP

04 Nov 2026 (Puntland.com) Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Puntland, Mudane Cumar Cabdisamad Yuusuf Dhuux, ayaa ka qaybgalay shirka dib-u-eegista heerka dhexe (Mid-Term Review) ee Mashruuca FSRP, kaas oo ka qabsoomay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wasiirka oo qayb ka ah wafdi wasiirro ah oo safar shaqo ku jooga magaalada Nairobi, ayaa shirka kaga qaybgalay qiimaynta heerka uu marayo fulinta Mashruuca FSRP, waxqabadkii ilaa hadda la qabtay, caqabadaha jira iyo qorshayaasha lagu xoojinayo, laguna dardargelinayo hirgelinta hawlaha mashruuca.

Shirkan ayaa muhiim u ah dib-u-eegista horumarka mashruuca, is-dhaafsiga aragtiyaha iyo dejinta qorshayaal lagu xaqiijinayo himilooyinka Mashruuca FSRP, kaas oo taageera horumarinta beeraha, xannaanada xoolaha iyo ilaalinta deegaanka, isla markaana ay hoggaamiso Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Puntland.

About The Author