Wasiirka Gargaarka & Maareynta Musiibooyinka Dawladda Puntland oo daahfuray xarunta Gurmadka deg-degga ah( Puntland emergency Operation center)

04 Nov 2026 (Puntland.com) Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dawladda Puntland Mudane.Abdinasir Yusuf Haji-Green ayaa daahfuray xarunta Gurmadka deg-degga ah( Puntland emergency Operation center) taas oo lagu mideyn doono dhamaan Xogta iyo Warbixinadda loogu qabanayo bulshada ay saameeyaan xaaladaha deg-degga ah sida daadadka(Elnino) iyo abaaraha.

Wasiir Abinaasir Yuusuf ayaa gudiga farsamo ( Technical Commitee) ee ka socday wasaaradaha uga warbixiyey Xaaladda Benu,aadanimo ee ka dhalatay saameynta daadadki roobabka Elnino iyo Abaaraha wali ka jira qaybo ka mid ah gobolada Puntaland ayaa xusay inay Dad, Duunyo iyo Hanti khasaare dhimasho iyo bur bur ah u geysteen Roobabki da’ay gaar ahaan Gobolka mudug iyo Qaybo Nugaal ka mid ah.

Shirka oo ay ka soo qaybgaleen wasaaradaha bah wadaagta shaqo ku ah, ka shaqeynta Xaaladaha gurmadka deg-degga ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixino ka hadlayey saameynta ay geysteen Roobabki ka da’ay qeybo ka mid ah Goboladda Puntlan iyo sidii loogu qarameemi lahaa bulshada iyo sidoo kale habraaca shaqada ( Terms of Reference) ee gudiga farsamo ee heer wasaaradeed, iyadoo laysku raacay in Xarunta Ka shaqeynta gurmadka Deg-degga ah lagu shaqeeyo ee wasaaradda gargaarka iyo maareynta masiibooyinka dawladda Puntland, lana xoojiyo wada shaqeynta iyo Xog isweydaarsiga Hay’adaha dawladda iyo bahwadaagta Arimaha samafalka.

About The Author