MD Xasan Sheekh oo xilkii ka qaaday Gudoomiyihii Maxkamadda Sare magacaabayna..& sababta
04 Nov 2026 (Puntland.com) Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday Xasan Sheekh ayaa xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee dalka, Dr Baashe Yuusuf, isagoo xilkaas u magacaabay Garyaqaan Ibraahim Iidle Suleymaan.
Dr Baashe ayaa tan iyo dib-u-celintii doorashada Galmudug u muujiyey firfircooni soo jiidatay mucaaridka balse maanta ayey is dhaafisey Villa-Somalia.
Wararka ayaa sheegaya in xilka qaadista gudoomiyaha Maxkamadda Sare aysan kaliya ku salaysnayn go’aankii burburintii Natiijadii Galmudug, balse la xariirtay ka hordhicida go’aan uu sabtida ku dhawaaqi lahaa oo ka dhan ahaa wax ka bedelada aan sharciyada haysan ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.
Baashe ayaa jimcaha tagi lahaa Muqdisho, isagoo qorsheynayd in uu Sabti-na shaaciyo go’aanka maxkamadda sare, kaas oo Xasan Sheikh ku noqon lahaa jug culus oo kudhacday.
Maamulka Xasan Sheekh ayaa qorsheynaysa haiminka in ay diidaan imaanshihiisa Muqdisho, gudoomiyaha xilka laga qaaday ayay warar hordhac ah sheegayaan in uu ka jawaabcelin doono fariinta Villa Somalia oo eedeysay.