Sawirro: Madaxweynaha Dowladda Puntland oo kulan la qaatay Madaxda hay’adaha amni iyo Taliyeyaasha Ciidamada Dowladda Puntland kalana hadlay xaaladda amni…
04 Nov 2026 (Puntland.com) Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa kulan la qaatay Madaxda hay’adaha amni iyo Taliyeyaasha Ciidamada Dowladda Puntland.
Kulanka oo ay sidoo kale ka qeybgaleen Lataliyaal Madaxweyne iyo khuburo Amni, waxaa looga hadlay amniga guud ee Puntland, sida dhammeystirka howlgalka Calmiskaad, diyaargarowga howlgalka Onkod ee Calmadow iyo la dagaalanka Burcad-badeedka.
Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay isbadellada amni ee ka soo kordhay qaybo kamid ah Dalka Soomaaliya, kuwaas oo ay Dowladda Puntland si dhow ula socoto.
Puntland ayaa sheegtay in ay si dhow ula soconayso isbeddelada dhinaca amniga ah iyo dhameystirka la falgalka nooc kasta oo yimaada.






















