Maxkamadda sare oo goaano adag kasoo saartay mudo kororsiga MD Xasan “XSM waa madaxweyne hore oo aan sharci haysan”
05 Nov 2026 (Puntland.com) Maxkamadda sare waxay XFS ugu yeertay Xil-gaarsiin oo kaliya aan awood laheyn, ayna tahay in dhinacyada siyaasadda ay 30 maalmood gudahood ku heshiiyaan hannaan doorasho oo dastuurka waafaqsan, doorashadaasna lagu qabto muddo 90 maalmood gudahood ah.
“XSM waa madaxweyne hore oo aan sharci haysan” Maxkamadda Sare.
Qodobada ugu waaweyn ee go’aanka Maxkamadda Sare.
1. Maxkamaddu waxay diiday qayb ka mid ah dacwadda ku saabsan in wax-ka-beddelka lagu sameeyay Dastuurka KMG ah ee 2012 uu yahay mid aan dastuuri ahayn.
2. Waxay diiday gabi ahaaba saameynta sharci iyo dastuur ee ka dhalatay wax-ka-beddelka, gaar ahaan muddo-kordhinta hay’adaha dowladda Federaalka, mudo xileedkii in uu dhammaaday ayay sheegtay.
3. Waxay caddeysay in muddada xilhaynta hay’adaha heer Federaal ay tahay 4 sano, sida labada Aqal ee Baarlamaanka, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Xukuumadda Federaalka.
4. Maxkamaddu waxay sheegtay in muddada xilhaynta Baarlamaanka ay dhammaatay 14-kii Abriil 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhammaatay 15-kii May 2026, haddana cid kasta ay mudo dhaaf tahay.
5. Waxay go’aamisay in hay’adihii muddadoodu dhammaatay aysan sii adeegsan karin awoodihii dastuuriga iyo sharci ee xilalkooda, wixii tallaabooyin ah ee ay qaadeen muddadaas kadibna ay yihiin kuwo aan sharciyad lahayn, una baahan in dib loo eego.
6. Xukuumadda Federaalka oo keliya ayaa loo oggolaaday inay sii waddo howlaha shaqo-maalmeedka (Caretaker Government), iyadoo aan loo oggolayn inay qaaddo go’aanno ka baxsan maamulka howlaha maalinlaha ah.
7. Maxkamaddu waxay amartay in dhinacyada siyaasadda ay 30 maalmood gudahood ku heshiiyaan hannaan doorasho oo dastuurka waafaqsan, doorashadaasna lagu qabto muddo 90 maalmood gudahood ah.




