Sawiro: Suldaanka Beesha Maxamed Cumar oo lagu caleemo saaray Balli Qardhaas

28 Okt 2015 (Puntlandes) Xaflad Ballaaran oo lagu caleemo saarayay Suldaan Sh. Cabdiqani Qorane Maxamed ayaa maanta ka dhacay Bali qardhaas oo ku yaal Duleedka Degmada Xarfo ee Gobolka Mudug.

Xaflada Caleemo saarka ayaa siwayn waxaa uga soo qaybgalay, Madaxda ugu saraysa Dalwadda Puntland, Isimo, Culimo, & waliba sidoo kale siyaasiyiin, iyadoona xaflada oo ahayd mid siwayn loo soo agaasimay ay kusoo dhamaatay jawi dagan.

Shiikh Bashiir Axmed Salaad oo ah Gudoomiyaha Majmaca Culimada Soomaaliyeed ayaa ugu horayn xafladaas hadal ka jeediyay waxaana uu sheegay inuu ku faraxsanyahay kasoo qaybgalka Xaflada Caleemo saarka Suldaan qorane, waxaa uu sheegay inuu kula dardaarmayo Suldaanka in Ummadda uu ku hogaamiyo tubta wanaagsan dadka Soomaaliyeedna isku keeni doodana ka shaqeeyo.

Shiikh Bashiir waxa uu intaas raacsay inuu si wanagsan u yaqaan Suldaan Cabdiqani Qorane horayna uu u ahaa Culimada Soomaaliyeed kana shaqaynjiray diinta & kor ahaanshaheeda.

Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise, Ugaas Maxamuud Cabdulqaadir Shoole, Suldaan Ciise Maxamed Ciise,  oo dhankodoa ku hadlayay Afka Isimada Soomaaliya & Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay Suldaan Shiikh Cabdiqani Qorane u rajaynayaan guul & Hormar.

Isimada ayaa sheegay in Beesha Maxamed Cumar Cumar Maxamuud midayntooda laga fadhiyo suldaan qorane, waxaana ay u rajeeyeen in ilaahay u fududeeyo hawshaas adag, iyagoona balanqaaday inay si wanaagsan ula shaqaynayaan.

Madaxwayne Ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camay ayaa isagoo ka hadlayay gabogabadii xaflada Caleemo saarka waxaa uu soo dhaweeyay in beesha Maxamed Cumar ay Suldaankooda usoo xushaan Suldaan Shikh Cabdiqano Qaronae Maxamed.

”Waxaan ku Faraxsanahay ka qaybgalka Caleemosaarka Suldaan qoarne, waxaana u rajaynyaa iny ilaahay hawsha la garab galo anigoo ku kalsoon aqoonta aan u leeyahay Shiikh Cabdiqani Qorane” Ayuu yiri Eng Camay

Docda kale Madaxwayne kuxigeenka Puntland ayaa sheegay in dhammaan Isimada Puntland & kuwa Soomaaliyaba ay ka rajaynayaan inay si dhow ula shaqeeyaan Suldaan Cabdiqani Qorane.

Intaas kadb ayaa waxaa laguda galay Caano Shubka Suldaan Shiikh Cabdiqani Qorane iyadoona Isimo ka kala yimid Puntland, Jubbaland & Soomaaliya ay kawada qaybgaleen caano shubka oo ka dhacay Aqal Soomaali loo diyaariyay.

Ugu dambayantiina Suldaanka Beesha Maxamed Cumar Cumar Maxamuud ayaa codsaday in dhammaan Golaha Isimada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan la shaqeeyaan waxaana isna dhankiisa uu ballan qaaday inuu si dhow ula shaqaynayo Isimada Soomaaliya ee Samaha Jecel.

Siyaasiyiinta Soomaaliya ayuu u diray in ay ka shaqeeyaan Nabadaynta dalka & sidii Ummadda Soomaaliyeed loo midayn lahaa, isagoona ku baaqay in dhaqanka & siyaasada lakala saaro waxaana arinkaas uu ka yiri ”Waxaa waayadaan dambe isku milmay dhaqankii & Siyaasadii waxaan codsan in Siyaasiyiintu aysan dhaqnaka u jiidin Siyaasa ee ay iyagu ku ekaadaan dhaqankana looga baahanyahay inay dhankooda Iska dhowraan Siyaasadahaan Isidiidan.

Xaflada Caleemo saarka ayaa kusoo dhammaatay si wanaagsan, waxaana Suldaan qorane uu si gaar ah kulamo ula yeeshay Madaxdii & Isimadii meelaha fogfog uga yimid ka qaybgalka Caleemo saarkiisa oo ka dhacay Bali Qardhaas.

129cb
130b

130b1

130b3

130b4

130b5

130b6

130b7

130b8
129ca
 

 

 

About The Author