Daawo Video-Sawiro:Jaaliyada PL ee Norway oo casha sharaf & soo dhawayn u sameeyey wasiir k/x Wasarada Hawlaha Guud iyo Gadidka C/raxman Yusuf Farah Tujaana

Jaaliyada Puntland ee dalka Norway ayaa waxay casha sharaf iyo soo dhawayn caasimada dalka Norway ee Oslo ugu samaysay wasiir ku xigeenka Wasarada Hawlaha Guud iyo Gaadidka mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Faarah (Tujaana).

Casha sharftaan ayaa waxaa kasoo qaybgalay dhamaan bulshada reer Puntland ee dagan Oslo iyo nawaaxigeda waxaana xiriiriye ka aha xafladaas Ciiro Ahmed Hassan Dr.Ligle ugu horayna waxaa lagu furay ayadaha quranka kariimka oo uu akhriyaay shiikh Axmed Bayra kadibna waxaa si habsami ah loo guda galay farxadii iyo soo dhawayntii wasiir Dijaana waxana hadalka furay xubna ay kamid ahayeenex.Maareye Cabdiraxmaan Sanyare. wakiilka Boqorka darood ee dalka Norway Maxamed Cali Qood.Suldaanka guud suldaan Bashiir Maxamed Geele.Musharaxa Madaxwaynaha Somaliya 2016 Dr.Geele.Siyaasi Xassan Maxamuud Nuur Seed Xassan Oss.Abwaan Durmad.Nabdoon Gaydhe.gudoomiyaha golaha marjaca jaaliyada Garaad Maxamuud Qaalib.Marwo Ifraax Xuseen Nuur Dirir.Marwo Ubax Maxmed Saciid.Marwo Xaali. sidoo kale ex lataliyahii arimaha Haweenka dawlada Puntland Marwo Xaawo Cabdi Kure oo Oslo marti ku ahayad ayaa cashadaan kasoo qaybgashay kalmad dardarana ah madasha ka jedisay.

Ugu danbayntii ayaa waxaa wasiirka si kal iyo laaba hadalka ugusoo dhaweeyay gudoomiyaha jaaliyada PDF Norway Eng.Cabadifitaax Cabaas Cali Dheere oo wasiirka ushegaay inuu kusoo dhawado dadkisa iyo jaaliyadoodaba

Intaas kadib aya waxaa hadalka lagusoo dhaweyaay wasiir Dijaana waxuuna si qota dheer uga shekeyaay horumarka guud ee ay dawlada Puntland iyo dadkeduba ku talabsadeen waxuuna si faahfahsan uga sii waramay wasaradiisa waxqabadkeda isagoo xusay wadooyinka kusoo kordhay ama mustaqbalka lasugayo inaay dhismaan waxuuna wasiirku cadeeyay inaay dadka reer Puntland iyo dawladoodu isku tashadeen isku tashigasna lagu garaay wax badan oo horu mar ah. Sidoo kale wasiirka ayaa waxuu kula dardarmay qurbajoogta reer Puntland inaay ka qaybqataan horu marka dalka ayna dib ugusoo celiyaan aqoontoda iyo maskaxdooda iyo waliba dhaqalahooda

Ciiro Ahmed Hassan Dr.Ligle Xiriiriyaha Jaaliyadaha Puntland Yurub iyo America ee dalka Norway

HALKAN KA DAAWO MUUQAAL

Daawo sawirada

1-dij11-dij21-dij41-dij51-dij61-dij71-dij101-dij111-dij121-dij131-dij151-dij161-dij171-dij181-dij191-dij201-dij211-dij221-dij231-dij24fron1-dij251-dij261-dij271-dij281-dij291-dij301-dij311-dij321-dij331-dij341-dij351-dij361-dij371-dij381-dij391-dij401-dij411-dij41fro1-dij421-dij441-dij451-dij461-dij471-dij481-dij491-dij511-dij521-dij531-dij551-dij561-dij571-dij581-dij591-dij60

About The Author