Sawiro: Madaxweyne Gaas oo Gaalkacyo xariga kaga jaray mashaariic horumarineed oo ay Dawladda ka fulisay

31 Okt 2015 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xariga kajaray mashaariic horumarineed oo ka hirgalay muddo kooban magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug-Puntland.

Ugu horeyn madaxweynaha ayaa xariga kajaray wado isku xirta laamiga iyo xabsiga weyn ee magaalada Gaalkacyo oo looga baxayo baahidii wado ee halkaasi kajirtay , maadama markii hore ay adkayd in si sahlan lagu tago xabsiga , taasi oo sabab u ahayd burbur lixaadleh oo ka muuqday wadadaasi.

Intaas kadib ayaa madaxweyne Gaas waxaa uu xariga kajaray saldhiga Galbeed ee Booliska Gaalkacyo oo si rasmi ah hada wixii ka dambeeya u howlgalaya , isagoona kormeeray xafiisyo cusub oo lagu kordhiyey iyo sidoo kale kantaroolka koonfureed ee magaalada Gaalkacyo.

Shacabka Magaalada Gaalkacyo oo gees ka gees isaga soo baxay safnaana wadada laamiga hareeraheeda ayaa si kal iyo laab ah u soo dhaweeyey mashaariicda horumarineed ee mudadii uu madaxweynuhu joogay magaalada Gaalkacyo laga fuliyey.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale xariga kajaray xarun cusub oo ay kuwada howlgalayaan Dawladda Hoose iyo Booliska magaalada Gaalkacyo , Xafiiska Wasaaradda maaliyadda Puntland , Beer nabadeed iyo suuqa Dayax Bille oo loo dhisay ganacsatada Puntland.

Madaxweyne Gaas oo si nabad ah ugu dhex lugeynayey magaalada ayaa indha indheeyey dhismayaal ku socda suuqa xera dayax iyo sidoo kale xaafadda Horumar , waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyey ganacsato iyo shacab ku faraxsan horumarka baaxadda leh ee ka soconaya magaalada Gaalkacyo xarunta Gobalka Mudug ee Puntland.

Ugu dambeyn waxaa uu madaxweynuhu xariga kajaray wado casri ah oo laami ah oo isku xiraysa garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf iyo laamiga weyn , waana talaabo horumarineed iyo fulinta balanqaadyadii Madaxweynaha.

 

IMG_4705IMG_4722IMG_4728IMG_4737IMG_4738IMG_4743IMG_4747IMG_4755IMG_4761IMG_4763IMG_4765IMG_4766IMG_4774IMG_4776IMG_4792IMG_4797IMG_4800IMG_4810IMG_4811IMG_4812IMG_4814IMG_4821IMG_4830IMG_4835IMG_4837IMG_4840IMG_4849IMG_4866IMG_4870IMG_4871IMG_4876IMG_4884IMG_4890IMG_4895IMG_4898IMG_4900IMG_4907IMG_4911IMG_4914IMG_4920IMG_4922IMG_4928IMG_4929IMG_4933IMG_4937IMG_4941IMG_4943IMG_4956IMG_4959IMG_4963IMG_4968IMG_4970IMG_4974IMG_4979IMG_4986IMG_4989IMG_4993IMG_4996IMG_5004IMG_5012IMG_5016IMG_5036IMG_5062IMG_5063IMG_5064IMG_5065IMG_5075IMG_5100IMG_5103IMG_5105IMG_5106IMG_5107IMG_5108IMG_5109IMG_5110IMG_5116IMG_5117IMG_5129IMG_5133IMG_5145IMG_5155IMG_5167IMG_5173IMG_5174IMG_5179IMG_5181IMG_5189IMG_5193IMG_5197IMG_5203IMG_5221IMG_5227IMG_5230IMG_5238IMG_5243IMG_5254IMG_5265IMG_5269IMG_5274IMG_5278IMG_5287IMG_5299IMG_5305IMG_5312IMG_5314IMG_5315IMG_5331IMG_5337IMG_5339

About The Author