Daawo Barnaamij ku saabsan dib u furitaankii safaarada Soomaaliya ee Washington

20 Nov 2015 (Puntlandes) 18-kii bishan November 2015-ka, ayaa magaalada Washington ee Caasimadda dalka Maraykanka waxaa dib loo furay Safaaradda Soomaaliya ee dalka Maraykanka, 25 sano ka dib.

Madaxweynaha Mareykanka Obama ayaa 18 kii Sept 2015 ka waraaqahii aqoonsiga rr Safiirnimo ka guddoomay Safiirka cusub ee DFS u magacawday Mareykanka, Axmed Ciise Cawad.

Munaasabad balaaran oo lagu maamuusayey furitaanka Safaaradda ayaa ka dhacday dhismaha Safaarada iyadoo laga taagay Calanka Soomaaliya.

Marti sharaftii kasoo qayb gashayna xafladda furitaanka safaaradda Somalia ee Washington waxaa ka mid ahaa Wasiirka Arimaha Dibadda DFS Cabdisalaan Hadliye Cumariyo madax kale

Dhanka kale waxaa Munaasabadaas kasoo qayb galay Safaarado badan oo ka kala socday dawlado badan una badan Afrikaan iyo dadwayne fara badan.

157a 157aa 157ab

About The Author