Puntland: Hurinta colaada Gaalkacyo waa istaraatijiyad lagu carqaladeenayo dalka si aanay uqabsoomin doorashada 2016

¨139c

29 Nov 2015 (Puntlandes) Dowladda Puntland oo war-saxafadeed kasoo saartay xaaladihii ugu dambeyay ee magaalada Gaalkacyo ayaa si kulu u cambaareysay daandaansiga qaawan ee sii kordhaya, kaasoo ay sii hurinayso dowladda federalka Soomaaliya.

“ Badbaadinta dadka rayidka ah iyo hantida waa mas’uuliyad saaran dowladda Puntland si loo yareeyo khasaaraha,” ayaa lagu yiri warsaxafadka oo lagusii daray inay dowladdu Puntland soo dhoweynayso xal kasta oo nabadeed iyo joojinta cadaawadda.

Dowladda Puntland waxay sheegtay inay gacanta kuhayso caddaymo ku filan oo muujinaya in Ciidamada ku magacaaban Qaranka Soomaaliya ay weerar kusoo qaadeen ciidamada Puntland. Sidoo kale hubkii caalamka ugu deeqay dowladda federalka ayaa si toos ah loogu adeegsaday in lagu qalqal galiyo gobolka Mudug.

“Dhacdooyinkani waxay horey uga dhaceen gobolka Shabeelada hoose, midkaan hadda ka socda Mudugna wuxuu qeyb ka yahay istaraatijiyad balaaran oo lagu carqaladeenayo dalka si aanay uqabsoomin doorashada 2016 islamarkaana muddo kordhin u hesho xukuumada haatan jirta, iyadoo isticmaalaysa soo jeedin la xiriirta in xaaladda ammaan ee dalka ay ka sii dareyso.

“Waa wax aan haboonayn in dowladdii qaranka Soomaaliyeed ay dabka kusii shidayso colaadaha udhexeeya muwaadiniinteeda, iyadoo kaleh ujeedo siyaasadeed oo gaaban.

Dowladda Puntland waxay sheegtay mar walba inay ka go’antahay balanqaadkeeda ku aadan xasiloonida iyo nabad galyada gobolka, dhinaca kale waxay sheegtay haddii ay xaaladu sidaas ka fiicnaan weydo, inay dowladda federalku  qaadandoonto mas’uuliyada iska horkeenida bulshada nabada jecel ee gobolka Mudug.

About The Author