FAALO-Akhriso Xasan Sheekh oo Dagaalkii Gaalkacyo ee uu ka dambeeyey leh”.. maamullada Puntland iyo Galmudug inay si buuxda ula shaqeeyaan, gacanna uga geystaan,,”

169

30 Nov 2015 (Puntlandes) Xasan Sheekh ayaa ka hadlay markii ugu horaysay Colaadii ay Kooxdiisa DAMUL JADIID ka abuureen Gobolka Mudug gaar ahaan magaalada Gaalkacyo, wuxuuna ku baaqey xabbad joojin degdeg ah oo waarta oo ka dhaqan gasha magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, halkaas oo ay ka dhaceen Dagaal uu isagu soo abaabulay.

“Waa ayaan darro in mar kale si micno la’aan ah loo daadiyo dhiigga muwaadiniin Soomaaliyeed oo xaq u leh inay nabad iyo xasilooni ku noolaadaan. Waa in degdeg xabbadda loo joojiyaa, wax kastana wadahadal lagu dhammeeyaa’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Xasan Sheekh ma isagaa isla hadlaya mise dad kale ayuu ku eedaynayaa dagaalkii Gaalkacyo ka dhacay?

Xasan Sheekh ayaa dhanka kale ka tacsiyeeyey dadkii uu ku laayey Dagaalkii Gaalkacyo.

“Ilaahay ha u naxariisto intii ku dhimatey dagaalkan ka dhacay Gaalkacyo. Anigoo ku hadlaya magaca Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo keygaba, aad ayay ii dhibeysaa inaan arko dad Soomaaliyeed oo naftooda ku weynaya colaad sokeeye oo laga baaqsan karey, dad Soomaaliyeed oo dhaawacyo ula jiifa colaaddaa awgeed, kuwo qaxaya iyo hantidooda ay burburtey intaba. Waana in maskaxda lagu hayaa in Ilaahay nagula xisaabtamayo fal kasta oo aan sameyno, ha noqdo mid san iyo mid xun intaba’’.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda ay garowsan tahay baaxadda dhibaatada halkaasi ka jirta, sababtaasi awgeedna ay halkaasi uga bilowdey dadaalo nabad raadin ah oo uu horkacayo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke.

Xasan Sheekh iyo Kooxdiisa DAMUL JADIID awalba waxay dadka u laayeen in lagala hadlo Gaalkacyo laakiin way RIYOONAYAAN WALIBA IYAGOO SOO JEEDA ayey RIYOONAYAAN, maxaa yeelay waxa ay kooxdiisu wada hadalada ugu yeerayaan Gaalkacyo waa “Shimbirayahow Heesa Hees wanaagsan Heesa…” Ma jirto wax ay ku helayaan oon ka ahayn inay iimaansadaan XABAD ama DEGAANKOODA  Gaas na wax intaas ka baxsan ma siin karo mana helayaan. Nin Degaankooda ku haystaa ma jiro Waana laga soo gudbay ku qabso ku qadi mayside!!

“Colaad kasta oo xilligan la abuuro waxay dib u dhac ku tahay dadaalka ay Soomaaliya doonayso inay dib u soo kabato, iyo barnaamijyada kale ee muhiimka u ah dhismo qaran cusub oo Soomaaliyeed oo caalamka la tartami kara. Waxaa colaaddan ay si toos ah u dhaawacaysa barnaamijyada iskaashiga caalamiga iyo Soomaaliya ee dib u dhiska dalka, barnaamijka Madasha Wadatashiga Qaran ee lagu go’aaminayo mustaqbalka siyaasadeed ee waddankeena iyo kuwo kale oo aan nabad iyo xasilooni la’aantood aan la dhaqan gelin Karin”.

Waxaa uu Madaxweynaha ugu baaqey maamullada Puntland iyo Galmudug inay si buuxda ula shaqeeyaan, gacanna uga geystaan dadaalaka Ra’iisul Wasaare Sharma’arke, Dowladda Federaalka ee Soomaaliyana aanay marnaba u dulqaadan doonin in mar kale la daadiyo dhiigga shacabka iyo barakicinta ummadda u oomman nabadda ee dagaalada ay saameeyeen 25-kii sanno ee la soo dhaafay.

Ma wuusan ogayn Xasan in Cid walbaa og tahay inuu Dagaalka isagu ka dambeeyo abaabulay, yuu isleeyahay waa qaldi kartaa?

About The Author