(Faallo+Cadaymo) Dagaalka Siyaasadadeed ee Villa Soomaaliya ee ka dhan ah Puntland.

0

30/7/2014 ayaa Madaxda Villa Soomaaliya ay sameeyen wax ay ugu yeeren Maamulka Gobolada Dhexe ee Soomaaliya,kaas oo lagu daray Dhul ka tirsan Maamulka Puntland.

Dowlada Puntland ayaa 31/7/2014 kaso horjeensatay dhacdadan,waxayna xiriirka u jartay Dowlada Muqdisho,waxay dib ula soo noqotay xubintii u matalaysay Guddiga Dastuurka,isla markaana waxaa wada tashiyo loogu yeeray Xildhibaanada Puntland u matala Federaalka.

Hadaba,maxay tahay ujeedada Villa Soomaaliya ay ka leedahay Maamulkan cusub?,qormadan ayaan arrintan si faahfaahsan ugu eegi doona.

Horu-dhac.

Ka hor inta aanan gudagalin Dulucda Faaladan aan dib idin xasuusiyo heshiiskii 1993-dii dhexmaray Beelaha Habargidir  iyo Majeerteen ee hakadka galiyay dagaalkii dhiiga badan ku daatay ee ka dhacay Gaalkacyo.

Horaantii  bishii June ee sanadkii 1993-dii ayay ahayd markii ALLA ha u naxariistee Marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Maxamed Faarax Caydiid ay kala saxiixdeen heshiiskii lagu soo afmeeray dagaalkii u dhexeeyay Beelaha Hawiye iyo Daarood,waxanaa labada dhinac ay heshiis ku gaareen in qolo walba ay ku ekaato meesha Ceelka iyo Carshinta u ah,lagana feejignaado dagaal mar kale dib u dhexmara Beelaha Hawiye iyo Darood.

Markii dhidibada loo taagay Maamulka Qaangaaray ee Puntland sanadkii 1998-dii,Waqooyiga Gaalkacyo waxay yeelatay dhismayaal qurux bada,waxaana si rasmi ah uga shaqeeyay nidaamka Dowladnimo,waxay yeelatay goobo Waxbarasho,Caafimaad,Biyo iyo adeegyada kale ee Aas-aasiga u ah Bulshada.

Laakiinse Koonfuta Gaalkacyo ma dhismin,waxaana Beelaha daga oo ay horseed u ahaayen Cabdixassan Cawaale Qaybdiid uu fadhigoodu noqday Muqdisho,waxaa koonfurta Gaalkacyo Puntland uga yimi Falal amaanka liddi ku ah,waxaana laga soo abaabulay Weeraro qorshaysan oo galaaftay nolosha dad muhiim u ahaa umada reer Puntland.

Dhismaha Galmudug.

Bishii Agoosto ee sanadkii 2006 ayaa Koonfurta Gaalakcyo looga dhawaaqay maamulka Galmudug,waxaana Caasimad iyo fadhi looga dhigay Xaafada Baraxley ee Koonfurta Gaalkacyo.

Inkasta oo Madaxdii  Puntland ee waqtigaas shaqaynayay ay ka horyimaadeen halka laga dhigay Caasimada,hadana waxaa culays ku noqday xaaladda waqtigaas Puntland uga imanaysay Gobolada Koonfureed ee Soomaaliya.

Puntland Duulaan kuma qaadin Beelaha daga Koonfurta Gaalkacyo,waxayna liqday in Galmudug Caasimad looga dhigo magaalo ay laba Maamul ka wada arrimiyaan.

Cabdiqaybdiid iyo dib uso rogaal celiyay.

22-sano oo Cabdi Qaybdiid uu joogay Muqdisho,marna uu ahaa Hogaamiye Kooxeed,marna uu xilal ka hayay Federaalka ayaa wuxuu dib ugu soo noqday Xaafadii uu 23-sano ka hor ka tagay.

Wuxuu Maamulka ka faramaroojiyay Maxamed Axmed Caalim,oo muddo ka arriminayay Galmudug.

Wasiirka hore ee Arimaha Gudaha Federaalka Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa 14/Decembar/2013  Hubeeyay Beelaha daga Galmudug,isaga oo ka faa’iidaysanayay Cunaqabataynta Hubka ee sida KMG ah looga qaaday Soomaaliya.

Arrintan ayaa waxaa heshiis ku ahaa Kooxda Damjadiid iyo Cabdixassan Cawaale Qaybdiid,waxaana ujeedada ay ahayd in dib loo abuuro Colaad iyo khalkhal dib uga dhasha Gaalkacyo.

Maleeshiyada ay hubeeyen Madaxda Villa Soomaaliya iyo Hubka lagu soo daadgureeyay Koonfurta Gaalkacyo oo ay cadaynayaan Siyaasiyiin kaso jeeda Galmudug,Linkigan  ka Daawo http://puntlandi.com/warbixinvideo-dowlada-federaalka-oo-hub-kuso-daabaulaysa-koonfurta-gaalkacyo/

Bartamihii Bishii 11/2013 Maleeshiyada la hubeeyay waxay dagaal kuso qaadeen fariisin Ciidamada Puntland ay ku lahaayen Godad,waxaana iska cabin xoogan ay kala kulmeen Ciidamada Puntland.

Marka ay arkeen Villa Soomaaliya Baraaruga Bulshada Puntland iyo Awooda Ciidamada waxay dib u dhigeen Siyaasada ay ku doonayeen inay Colaad iyo khalkhal ay uga abuuraan Puntland.

Maxaa xigay?.                     

30/7/2014 ayaa mar kale Villa Soomaaliya ay abaabushay Siyaasad lagu abuurayo Colaadii umada Soomaaliyeed kala dishay 23-sano ka hor,waxayna ugu talagaleen in saldhiga Colaadu uu noqdo Gobolka Mudug,

Waxay sameeyen wax ay ugu yeeren Maamulka Gobolada Dhexe ee Soomaaliya,oo Gobolka Mudug uu qayb ka yahay,arrintan ayaa khilaafsan Dastuurka ay ku heshiiyeen umada Soomaaliyeed,lamana garanayo waxa ay ula jeedaan Maamulka Gobolada Dhexe!!!!!.

Maamulkan ayaa waxaa kaso horjeensaday Ximan iyo Xeeb iyo Ehlu Sunna Waljamaaca,arrintan oo kuu muujinaysa in heshiiska uu u dhexeeyay ninka Wakiilka u ah Villa Soomaaliya ee ay uso dirsatay inuu Colaad ka dhacda Mudug uu horseed u noqdo,waa Cabdi Xassan Cawaale Qaybdiide.

Cabdi Xassan Cawaale marka uu arkay in heshiisku uu yahay Dhalanteed iyo Dhaandabagaale,wuxuu u durbaan tumay Colaad,wuxuuna ku hanjabay ereyadan’’Fad ama hafadin waa lagu Fadsiin’’,halkan ka dhagayso Hanjabaada Qaybdiid….

 

Ujeedada Villa Soomaaliya ay ka leedahay Maamulkan.

Villa Soomaaliya Siyaasadan cusub waxay uga gol leedahay;-

1-In dalka dib loo galiyo Colaad iyo khal khal,galaafta maamulka Qaangaaray ee Puntland.

2-In Beesha Caalamka loo tuso in Soomaaliya aysan qaadan Karin Federaal,maadama Xassan iyo Kooxdiisu aysan ogolan Nidaamka Federaalka.

3-Inay fursad u helaan waqti kororsi marka la gaaro sanadka 2016.

4-In mar kale waqti looga lumiyo umada Soomaaliyeed heshiis aan ku dhisnayn Sharci.

5-Iyo In looga hortago talaabada degmooyin ka tirsan Galgaduud ay ku doonayeen inay ugu soo biiraan Dowlada Puntland.

Madaxweyne Gaas oo Fariin adag u diray Villa Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ‘’Gaas’’ ayaa sheegay haddi Villa Soomaaliya ay isbadal Siyaasadeed la iman waydo in Puntland ay qaadayso talaabada xigta,inakasta oo aan si rasmi ah loo garanayn waxa ay noqon karto talaabada xigta.

Reer Puntland waxay Aqoon,waqti iyo dhaqaale u hureen Midnimada umada Soomaaliyeed,waxay horseed u ahaayen;-In Dowlada Soomaaliya ay ku shaqayso Villa Soomaaliya,dalkuna uu ka baxo nidaamka KMG ahaa ee mudada lagu soo dhaqmayay.

Puntland abaal iyo mahadcelin kama helin Halganka ay u gashay jiritanka umada Soomaaliyeed,waxaana loogu abaal guday in la isku dayo in la wiiqo Jiritaankeeda.

23-sano oo Puntland ay sugaysay Soomaali,wali ma muuqato rajo ay Har Soomaali ugu jidayaan Madaxda maanta na-hogaaminaysa.

* Ninka Baydhabo joogiyo
* kii Bu’aale ka rooray
* Soomaali badankeedu
* waa bartay uqaxeenoo
* Puntlaneeyda hayeenoo
* ku bad baaday naftoodu
* boogahay ku dhay daan oo
* beerta raaxada weeyee
* Puntlaneey magacaa jir…Tixdan waxaa tiriyay Abwaan Sahal Qardhood.

Umada reer Puntland waa inay si wada jir ah ugu istaagan Difaaca Dhulkooda,ayna si wadaniyadi ku dheehan tahay ay ula shaqeeyaan Dowladooda,si Puntland looga Difaaco Cadowga aan u quurin jiritaankeeda.

Dad badan ayaa qaba in lagaaray xilligii Puntland ay Aayaheeda ka tashan lahayd.

 

 Xigasho: www.puntlandi.com

 

About The Author

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *