Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ka jawaabay eedayntii maamulka Galmudug

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya pro. Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa si adag isaga difaacay eedayn uga timid Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed taasoo ahayd in safarka Gudoomiyaha ee Dhuusamareeb uu Carqalad ku yahay Amniga iyo Xasiloonida Gobbalka.

Gudoomiye jawaari ayaa sheegay in uu yahay ergay ka shaqaynaya Midnimada iyo isku soo dhawaan shaha ummada Soomaaliyeed wuxuuna intaas  raacshay in uu soo diray Madaxweynaha Dawlada Soomaaliya si uu uga qayb qaato Midaynta labada maamul ee Gobbolada dhexe ka jjira

Hadalka jawaari ayaa kusoo beegmaya xilli ay xiisada gobbalada dhexe ka taagan ee u dhaxaysa labada maamul ee Galmudug iyo Ahlu Suna waljamaac ay marayso heerkii ugu saraysay.

Puntlandes.com

About The Author