Falanqayn: Maxaa kala socotaa Dhismaha Aqalka Sare iyo Kan hoose ee Soomaaliya

Gudiga doorashada Dadban ee Soomaaliya, ayaa waxaa dhawaan wakhtigii u kordhiyeen, soo xildhibaanada DFS, iyada oo ay sheegeen in uusan wakhti ku filayn, taas oo walaac badan galisay beesha caalamka.

Sooxulidda egada aqalada kala gadisan ee Dowladda Soomaaliya, ayaa waxaa la isku afgartay in lagu saleeyo, nidaamka 18kii Gobol ee Soomaaliya, kadib is qab qabsi iyo tanaasul la’aan soo kala dhex gashay madaxda DF iyo Dowlad goboleedyada, inkasta oo lasoo gaba gabeeyey Madashii wada tashiga qaran ee Soomaaliya misana waxaa wali muuqda wax yaabo badan oo Ciiriin an.

Aqalka Sare waxaa lagu qayb saday Gobolo, waxaana ay ka kala imaanayaan maamul goboleedyada Soomaaliyeed ee haatan dhisan, Puntland, Soomaaliland, Galmudug, jubbaland, K.Galbeed, Hiiraan iyo Shabeel iyo magaalo madaxda Soomaaliya ee Gobolka Banaadir.

Puntland.

Ilaa iyo hadda ma cadda cidda looxulanayo aqalka sare, waxaana Puntland soo Buux dhaafiyey, Madax kuligood doonaya in ay ka mid noqdaan Aqalka Sare, kuwaas oo maraya magaalooyinka waaweyn ee Puntlad, qaar kood ayaa waxaa ay ku dhawaaqeen in ay Musharixiin yihiin, si ay u helaan xubinta aqalka Sare ee Soomaaliya, halka kuwana ay dhab ka tahaya Musharax nimadooda.

Xanta magaaladda ayaa sheegaysa in Dr. Gaas oo qayb ka noqday, olo loaha madaxdweynaha xilkiisu hadd dhamaaday, uu ku doonayonin uu kusoo laabto.

Arinta aqalka sare ayaa keentay in uu is casilo wasiirkii Hore ee Warfaafinta Puntland oo isagu isla rabay, kadib markii ay soo baxaday in uu qaatay siyaasi kale oo ay isku hayb yihiin, culayska ayaa madaxweynaha kusii batay, kadib markii ay soo kordheer musharixiinta madaxweynaha DF ah, kuwaas oo misana doonaya helida Aqalka Sare ee Soomaaliya, waxay xaaladuu su’aalo badankeentay Markii ay soobaxday in uu musharixiinta qaarkood u ogolaaday xubinta aqalka Sare.

Sikasta oo ay ahaataba ilaahadda majiraan cidl lasiiyey Aqalka sare oo si rasmi ah loogu dhawaaqay, Aqalaka hoose ayaan Isaga ilaa hadda San saantiisu muuqan, inkasta oo xamaasaddiisu aad u hoosayso, maadaama uu aqalka sare noqday midka lahadal hayo, laguna mashquulsan yahay.

Soomaaliland.

Maamulka Soomaaliland, isagu sitoos ah uma soo doorto xubnaha umatalaya Soomaaliya, waxaase ay wararku xaqiijinayaan in talada kama danbaystaa uu leeyahay Madaxweyne Siilaanyo oo si hoose arintaas ugu xiran.

Xubnaha Labada Aqal oo haatan xulashadoodu ka socoto Magaaladda Muqdisho, ayaa waxaa la filayaa in ay qarkood noqdaan wajiyo cusub, kadib markii kuwii hore looga yeeray waqooyiga Soomaaliya, lana filayo in ay badalaan kuwo cusub oo kusoo biiraya saaxada Siyaasadda Soomaaliya.

Isku soo wada duub oo ilaahaatan majiraan, siyaasiyiin lahubo oo ku guulaystay ka mid loqashada labada aqal, waloow dadka qaar ay sheegayaan in ay jiraan, xubno fir fircoon oo uu watto MusharaxXassan Shiikh Maxamuud.

Jubbaland.

Jubbalanad ilaa iyo hadda wax xog ah oo kasoo baxay lama hayo, mana jiraan ilo xog ogaal ah, oo ka warami kara arinta xulashadu meesha ay marayaso, Magaaladda Kismaanyo laga dareemi mayo xiisadda ka jirta Puntland oo kale, mana jirto qaylo ama khilaaf kasoo baxaya, sidoo kalana majiraan Liis rasmi ah oo ay Jubbaland soo gudbisay.

Galmudug.

Maamulka Galmudug oo isagu aan ilaahadda cadayn heerka ay marayso kala xulid xubnaha labada aqal, ayaa waxaa laga cabsi qabaa in ay halkaas kasoo kororto xaaladda adag, maadaama ay ka jiraan kala qoqobnaan qabiil iyo kala shaki siyaasiyiin.

Madaxweyne C/kariin oo awal Xulufaysi la lahaa Madaxweynaha Soomaaliya, hase yeeshee maalmihii danbe uu xiriirkoodu xumaaday, iyada oo sabab looga dhigayo isu dhawaan shaha dhex maray Gaas iyo Xassan, ayaa waxaa uu dhisay gudigii doorashooyinka Galmudug, kuwaas oo hatan cabanayo.

Gudiga doorashooyinka dadban ayaa waxaa ay ka cabanayaan in aysan Ergooyinkii xulilahaa Xildhibaanada DF, ay diidan yihiin in ay yimaadaan magaalo madaxda ku meel gaarkaa ee Cadaado, taasina ay keeni karto dib u dhac, uuna gudiga iska fogaynayoeeda ka timaada haddii ay dhacdo arintaasi.

Cabashada Gudiga ayaa salka ku haysa, is aamin la’aan soo kala dhex gashay Beelaha wada daga Galmudug, kuwaas oo aan ku kalsoonayn amaanka Magaalada Cadaado oo maalinba Waji cusub leh.

Koonfur Galbeed.

Koonfur galbeed waxaa haatan soogaaraya xubno doonaya ka mid noqoshada Aqalka sare ee Soomaaliya, sidoo kale waxaa si hoose uga socota xulashada baarlamaanka iyo kan aqalka sare.

Wararka xog ogaalkaa ayaa waxaa ay sheegayaan, in uu halkaas ka socda Dagaala qabow oo siyaasadeed, ayna xulashada faragalin toos ah ku hayaan Madaxweyne Xassan iyo Jawaari, oo labaduba doonaya in ay helaan aqlabayadda siyaasiyiinta halkaas kasoo baxaysa, si ay miisaan ugu yeeshaan siyaasadda kala guurkaa ee Soomaaliya.

Madaxweynaha K/Galbeed ayaan wali faragalinta dhinacna u raacin, waxaase Madaxweyne Shariif culaysweyn ku haya odayaal, la kala safan labada dhinac, kuwaas oo qolo walba ay rag ugaar ah wadato.

Labada gobol H/Sh.

Labada gobol ee hiiraan iyo shabeele, waalabada gobol ee ugu xasaasisan, ilaa haddana lagaran la’ayahay sida loo wajahayo, cidda soo xulaysa, meesha lagu soo xulayo iyo Goorta lasoo xulayo, goblka Madaxweynihii hore taabacsan ee Shabeele, waxaa moodaa in uu dhibaato ku kenayo Xassan shiikh, maadaama ay jiraan qabaa illo kla gadisan, oo muran badani ka taagan yahay sidii ay u wadaagi lahaayeen.

Gobolka Hiiraan isaga xaaladdiisu waxaa ay u egtahay in loosaari doono gudi, si xal loogu helo tabashada iyo diidmada dadka gobolkaasi ay diidan yihiin Dowladda Federaalkaa Soomaaliya, maamulka ay samaynayso.

Baadir. 

Gobolka Banaadir oo ay kutaal magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho, waa meesha sababtay in dib loogu laabto, qaybsashada xubnaha aqalka Sare ee Soomaaliya.

Iyada xaaladdeeda lama qiyaasi karo, waxaa ka jirta xamaasad aan la saadaalin karin, lama garan karo in ay qoondadooda ka helayaan, beelaha banaadiriga, oo markii hore looqoondeeyey 2 xubnood oo gooni ah, haddase ku darsami doona Magaalo madaxda qoondadeeda.

Gunaanad.

Maalmaha soosocda waxaa la filayaa in ay bilaabatto, dar dar xoog badan oo lagu soo xulayo labada aqal, labada aqal saxiixooda ugu danbeeya waxaa leh madaxda Dowladda Goboleedyada, waxaana saamayn muuqatta iyo mid aan muuqanba kuleh Musharixiinta oo uu ugu horee Xassan Shiikh iyo Saaxiibadiis.

 

 

 

 

 

About The Author