Sawirro: Hay’adda PHA, Shirkada Isxilqaan & Deeq bixiyayaasha oo shir wada Garowe & Galkacyo ah uga socdo Addis Abeba Ethiopia

12 April (Puntlandes) Hay’adda Wadooyinka Puntland ee PHA, Shirkada Isxilqaan ee ku guulaysatay  dhismaha wadada laamiga ah ee isku xirta Garowe iyo Gaalkacyo ayaa magaalada Adis Abeba ee xarunta dalka Ethiopia shir uga socdaa masuuliyiinta Hay’adda GIZ oo midowga Yurub uga wakiil ah mashruuca dhismaha iyo dayactirka laamigaas.

Mas’uuliyiinta shirka ka qayb galaya ayaa kala ah Deeq Maxamuud Xaashi oo ah  Operations Manager Shirkada ISXILQAAN iyo Eng Ali Noor Afrah oo ah project manage, Hay’adda PHA Gudoomiyaha Hay,adda Wadooyinka Puntland Siciid Maxamuud Jaamac  iyo masuuliyiin kale halka ay ka socdeen dhanka Hay’adda GIZ Madaxa Mashruuca ee GIZ Mr.Christoph Schmidt iyo mas’uuliyiin kale.

Shirkaan saddex geesoodka ah ayaa soo bilawday maalintii Isniinta ee 10ka April 2017, wuxuuna ku saabsan yahay sidii hawshu ay uy bilaaban lahayd maadama ay shirkada ISXILQAAN heshiis ku kala saxiixdeen 01 April 2017 magaalada Garowe Hay,adda Wadooyinka Puntland (PHA).

Operations Manager Shirkada ISXILQAAN mudane Deeq Maxamuud Xaashi ayaa u sheegay PUNTLANDES inuu ilaa iminka sidii la qorsheeyey ku socdo uuna berri kusoo xirmi doono guul.

Shirka ayaa waxaa laga qaadaa dhigayaa sida ugu wanaagsan ee looga Wada Shaqayn lahaa bilowga mashruuca Iyo sida shaqada loo kala leeyahay, iyadoo ay dhamaan kasoo qayb galayaashu aad u daynaynayeen in shaqada wadada ama Mashruucu bilowdo sida ugu dhaqsaha badan.

Mudane Deeq ayaa PUNTLANDES Uu sheegay in ay shaqadu bilaabatay oo ay ku hawlan yihiin rarida qalabkii lagu dhisi lahaa wadada iyo Shaqaale diyaarintii ayna todobaadyada soo  socda si rasmi ah u bilaabi doonaan.

Dhismaha laamiga ah ee isku xirta magaalooyinka Garowe iyo Gaalkacyo  oo aad u burbursan ay dhibaato ku qabaan Gadiidlayda ahna Wado aad muhiin ugu ag Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya ayey shaqada dhismaheeda muddo  ay soo waday dawladda Puntland ee uu hogaamiyo Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyadoo dadaal xoogan u gashay inuu guulaysto mashruucan iminka gabogabada maraya.

Daawo sawirrada
1

2

3

4

5

6

 

8

9

11

12

13

30

7
Puntlandes.com

About The Author