SAFARKAYGII BOOKH W/Q: Cabdirisaaq Baraag

Dagmada Bookh 130 km ayay u jirtaa magaalada Gaalkacyo. Waxa ay kaga beegantahay Waqooyi galbeed. Araggeeda waxaa iigu dambaysay toban iyo dhawr sano hortood. Waa intii ay la daallanayd Dhib-u-curashada (Dib-u-carasho).

Qiyaastayda, waxa ay Bookh dib u laabatay qarnibar iyada oo gabi ahaan joojisay kana quusatay horumarkii caadiga ahaa ee ay sameynayeen magaalooyinka la ayniga ah.

Waxa ay 50y sano hortood lahaan jirtay biyagalin, koronto iyo dugsi hoose/dhexe. Intii Dhib-u-curashadu jirtay waxaa ku kordhay uun dugsi sare kaas oo aad ugu muhiim ah ay se dadka deegaanku dhisteen ee aan dawladdu u garan. Waxa aad sidaas oo kale Bookh ugu tagaysaa huteel aad iyo aad u qurxoon kaas oo ay isna dhiseen isla jaaliyadda dhistay dugsiga sare.

Waxaan soo arkay rajo iyo rafaad labadaba. Rajadu waxay tahay nabadda. Goortii aan Gaalkacyo ka dhaqaaqaynay, waxaanu ka sheekaysanaynay nin dilay nin kale in la soo qabtay iyo in kale. Goortii aan soo galnayna, waxaa na loo sheegay in haddada qoyan nin la dilay aan se la aqoon cid loo aaso.

Bookh oo aan marti u ahaa 3 bari, wax dhimasho watatacoow dhaafsan ka sheekaysanaya waxay dhagaygu maqleen oday subax annaga oo shaahayna ka sheekeeyay 2 nin oo waagii SSDF xumaysay oo uu geeridooda maqlay isla maalmihii. Caafimaadka dadka waayeelka ahi isna waa wax lagu naaloodo. Waxaan soo arkay duul odayaashu u shiraan halka aan ka tagay meel ay yartahay in aad aragtid jifo 5 oday u shiri karto caafimaad darro iyo geeri ka meelwayday awgood.

Dadka deegaanku waxa ay u badanyihiin dhallinyaro. Dhallintaasi waa kuwo si aan xad lahayn ugu oomman waxbarasho ay adagtahay in halkaas laga helo. Ilmaha goorta 1 gu’ u siyaadaba waxaa u siyaaday rajo xumo, niyad jab, iyo mustaqbalkiisa oo uu mugdi ka arkayo.

Dhibka baaxadda leh ee ay Dhib-u-curashadii Bookh uga tagtay waxay tahay dadka deegaanka oo in ay sii noolaadaan ka baydaday. Waxaa nidaamkaas lagu soo shaqaalaysiiyay dad sooyaalku aanu illoobidoonin anshaxumadoodii, ildarradoodii iyo agabkii ku-dayasho ee ay ka tageen. Waxaan rajaynayaa in aanu mustaqbalku cafindoonin Cabdi Iley iyo goxondhadiisii.

Tusaale, waxaan bookhday dugsi la yiri waxaa ka shaqayn jiray 19 bare. 4 qof oo kali ah ayaa dadka deegaanka ka ogog leh ahaa! Micnaheedu waxaa weeye 80% waxa ay ku yimaadeen Dhib-u-curasho dadka dakhligu soo galo oo dhami marka laga reebo ganacsiga yaryar kaas oo dadku iskood u leyihiin sida biibitooyinka shaaha iyo goobaha caamidaadka kuwaas oo iyaga laftoodu aad u yar. Sidaas oo kale, waxaa ka meelwaayay cunaqabatayn aan xabbad sharoobbo ah Bookh la gayn jirin. Goobaha kale ee shaqo dhammaantood dugsigaas ayaa tusaale u ah.

Waxbarashada Bookh waxaa ka jira fursado iyo baahiyo labadaba. Soddomeeyo sano Bookh waxay lahayd Dugsi H/Dhexe. Taasi waxa ay sababi jirtay in ardaygii awoodi kara ee dugsiga Dhexe dhammaysta uu Wardheer u aado dhigashada dugsi sare. Taas oo sababi jirtay in ay ardayda badankood ka dib jiraan waxbarasho dugsi sare iyo mid jaamacadeed labadaba. Dadka deegaanka waa ay ku adagtahay in ay kuu magacaabaan hal arday oo inta Bookh dugsi sare ka doontay guul ku dambeeyay.

Iyada oo caddibkaas la qabo ayaa abaabul uu sal u ahaa Sheekh Maxamed Sheekh Cabdulaahi mira dhalay. Taariikhda Itoobiya goortii ay ahayd 2004 taas oo ku beegan 2012 ayay ka qalinjabiyeen ardaydii ugu horreysay dusiga sare ee Heema kaas oo markaas farta laga jaray.

Bookh waxa ay abaal weyn ka haysaa guul weyn na ka joogtaa mirabaxaas aan caadiga ahayn. Maamulka iyo barayaasha dugsigaas sare waxa ay ii xaqiijiyeen in guushaas markii ugu horraysay miraheeda la gurtay. Tusaale, waxa ay ii sheegeen in Guddoomiyaha Dagmada Bookh mudane Cabdiqani Baddal Khalaf, Madaxa Waaxda Gaadiidka iyo Ganacsiga Murwo Maymuun Ismaaciil, Madaxa Waaxda Cayaaraha Mudane Cabdiqani M Xaashi iyo kuwo kale ba ay dhammaan ka soo baxeen dugsigaas sare. Kulli waxa ay ka midyihiin maamulka dhawaan la soo magacaabay ee aan wali shaqa galin.

Dugsigu waxa uu ka koobanayahay 19 fasal, 2 xafiis, library, qol lab ah, suuliyaal iyo qayb adeegyada korontada iyo biyaha u gaar ah. Waxaa dhigataa ilaa 400 arday. Bareyaashu intii aan nidaamka dawliga ahi isku dhexyaacin waxa ay ahaayeen labaatameeyo. Sida la ii xaqiijiyay waxa ay u badnaayeen Diploma iyo Degree waa se jiraan qof iyo labo Master gaarsiisan.

Saynis iyo Sooshiyaal labadaba waa lagu dhigtaa. Maaddooyinka la qaato waxaa ka mid ah: Maths, Physics, Chemistry, Biology, Geography, History, Business iyo Civic. Waxaa intaas weheliya Af Soomaali, Amxaari iyo English.

Hadda ba, maxay tahay fursadda waxbarasho ee Bookh ka jirta?

Sida aynu la wada socono, nidaamkii dawliga ahaa ee aragtida ciriiriga ah ku dhisnaa waa kan is baddalay Itoobiya. Horay na Bookh uga ma jirin dugsiyo gaar loo leeyahay, mid hoose, mid dhexe, mida sare, koleej iyo machad toona.

Sidaas darteed, waxaa bulshada u furan in ay dawladda dhexe ka doontaan oggolaansho dugsi gaar loo leehay oo hoose, dhexe ama sare. Haddii oggolaanshaas oo sida aan filayo fudud la helo, waxaa ay ardaydu fursad u heli doonaan in ay dhigtaan dugsi gaar loo leeyahay oo ay jirto cid tayadiisa ilaalisa oo aan dawladda ahayn. Sidaas oo kale, qofkii ama jaaliyaddii maalgashada ka ma shallaayi doonaan. Intaas waxaa kuu dheer in aad ehelkaaga mustaqbalkooda kor u qaadaysid aad na ka tagaysid abaal iyo ajar abadi ah.

Waxaa sidaas oo kale banaan fursad ah in Bookh oo ay hoos tagaan 50y tuulo laga sameeyo koleej kan Bursaalax ka dhisan oo kale ah. Wali ba ku darso oo Itoobiya waxaa jirta dawlad weyn oo laga yaabo in ay miisaaniyaddeeda ku jiraan mashaariic baahiyaas lagu dabooli karo kuwaas oo dadka deegaanka laga doonayo in ay qayb ahaan la yimaadaan maalgashigaas.

 

Bookh baahiyaha ka jira waxaa ka mid ah mid KORONTO. Dadka deegaanku waxa ay ii xaqiijiyeen muddo 4 bilood ka badan in aynan koronto helin oo aan Matoorka loo daarin marka laga reebo 10 hameen oo ay iyagu shidaalka la baxeen.

Dadka deegaanku aad iyo aad ayay ugu dadaaleen in ay baahidaas xal u helaan. Billawgii waxaa loo sheegi jiray in ay shidaal yaraani jiro, sidaas darteed, dadka deegaanku waxa ay qolada matoorka gacanta ku haysa u sheegeen in ay iyagu shidaal la imanayaan markaasna aan korontada la damin oo aan magaalada mugdi la ga dhigin.

Mar kale, qolada matoorka gacanta ku haysa (kuwaas oo aan dadka deegaanka iyagu ahayn) waxa ay soo dambaysiiyeen in matoorku raayatooraha ka cilladaysanyahay. Hadda ba, dadka deegaanku waxa ay mar kale qoladaas ka codsadeen in ay iyagu raayatooraha iyo wax kaste oo matoorka ka cilladaysan farsamo u raadiyaan si ay magaaladu koronto u hesho.

Soojeedintaas dambe iyo talo kaste oo ay magaaladu koronto ku heli lahayd waxaa ku gacansayray qolada matoorka gacanta ku haysa. Wax sabab ah oo aan ahayn in aynaan oggolaansho haysan ma ay sheegin.

Hadda ba, madaxweynaha Sooomaaligalbeed (Somali State), mudane Mustafe Cumar Wasiirkiisa u qaabilsan adeegyada bulshada sida korontada iyo cid kaste oo saamayn ku leh waxaan ka codsanayaa in ay Bookh baahideeda koronto dib u eegaan.

Waa baahi ay fududdahay in xal loo helo. Xitaa haddii dadka deegaanka loo fasaxo in ay gacantooda ula tagaan malahayga 6 saacadood gudahood koronto ayay Bookh ku heli kartaa.

Maamulka cusub ee Bookh waxaan u soojeedinayaa in ay ku dadaalaan in adeegyada laga-ma-maarmaanka u ah dadka deegaanka gacantooda lagu soo cesho oo ay iyagu maamulaan.

Intaas marka laga tago, fursadaha adeegyada bulshada la xiriira ee Bookh yaal waxaa ka mid ah:

Fursad maalgashi adeegyo bulsho, sida koronto iyo biyo. Haddii oggolaansho loo helo Bookh waxaa laga samayn karaa shirkado Koronto iyo Biyo labadaba. Tusaale, marka Bursaalax oo aad Bookh uga kooban marka la eego suuqa ku hareeraysan ee ay mid waliba leedahay, waxaa ka jira 2 shirkadood oo koronto, wax ka badan 2 shirkadood oo biyood iyo goobo waxbarasho oo badan oo tartama.

Markaas qofkii shirkadda biyada sifaysta Bookh ka maysta ilaa halkee baa suuq u ah? Waa ilaa Wardheer iyo sida aan filayo inta Jigjiga ka soo rogan!

Sidaas oo kale, shirkadaha xawaaladaha, bangiyada iyo kuwa qalabka dhismaha ka ganacsadaba fursado billow ah ayaa uga banaan Bookh.

FG: waxaa suurowda in ay dadka badanki is yiraahdaan, maxay tahay lacagta Bookh taalla ee laga fili karo haddii adeeg la maalgashado?

Dadka Bookh iyo agagaarkeeda daggani waxa ay leeyihiin dakhliga ay heli karaan dadka daggan Bursaalax iyo agaggaarkeeda mid la mid ah! Sababta oo ah labada dadba dibadda ayaa laga biilaa. Dadku waa isku dad. In badan oo ka mid ah dadka aan Bookh ku soo arkay eheladooda cid ka mid ah na waxaan ku aqiinay Bursaalax, Dhagxanyacadde iyo/ama Gaalkacyo.

 

W/Q: Cabdirisaaq Baraag | ibnbaraag@gmail.com

About The Author