Magacaabista Wasiirada DFS oo dib u dhac ku yimid, sababtu maxay tahay?

Wararka laga helayo halka uu marayo dhismaha golaha wasiirada dowlada Federalka ayaa sheegaya in Ra’isal Wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid ka biyo diidan yahay magacaabista shaqsiyaad ka tirsanaan jirey xukuumadihii Cabdiweli Shiikh Axmad iyo Cabdi Farax Shirdoon. Sida Puntlandes.com xog hoose ku heshay, kala aragti duwanaan arintaas la xiriirta iyo khilaaf ayaa soo kala dhex galay labada mas’uul ee ugu sarreeya Dowalda Federaalka,Waxaana wararka Villa Somalia laga helayaa tibaaxayaan in Ra’isal Wasaaruhu diiday magacaabista ku-simaha Wasiirka Maaliyada Xuseen Cabdi Xalane iyo Fowziyo Xaaji Adan oo horey u ahaan jirtey Wasiirka arrimaha dibadda.

 

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa wararku sheegayaan inuu ku adkeysanayo magacaabista xubnahaan kuwaasoo horey uu balanqaadyo ugu sameeyey markii xilka laga qaadayey Ra’isal wasaarihii hore ee Cabdiweli Shiikh Axmad. Xuseen Cabdi Xalane oo ahaa musharax xilka Ra’isal wasaaraha ayaa kaalin weyn ka qaatey qorshihii xilka looga qaaday Ra’isal wasaarihii hore ee Somalia, waxaana dabada ka riixayey magacaabistiisa shaqsiyaad aad ugu dhow Madaxweyne Xasan Shiikh.

Dhinaca kale booqashadii Madaxweynaha dowlada Federaalka Somalia ku tagey waxyar kadib markii xilka loo magacaabey Cumar Cabdirashiid magaalada Kismayo ayaa waxaa balanqaad xoogan uu kasoo qaadey madaxda Jubaland in Xuseen Xalane kamid noqonayo golaha Wasiirada madaama aan xilka Wasiirka Kowaad loo magacaabin.

Ku-simaha Wasiirka Maaliyada Xuseen Xalane ayaa sidoo kale waxaa ka biyo diidan  inuu kamid noqdo golaha wasiirada ee cusub beesha caalamka madaama uu ka qayb qaatey dhexgalkii lagu sameeyey xildhibaanada Barlamanka dowlada Federaalka Somalia dabadana ka riixayey mooshinkii ka dhanka ahaa Ra’isal wasarihii hore. Fowziyo Xaaji Aadan oo iyadu qudareyneysa iney kamid noqoto golaha Wasiirada ee cusub madaama gacansaar dhow leeyihiin Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Shiikh ayaa waxaa loo haystaa ceebtii ka dhacdey Bangiga dhexe ee Somalia iyadoo warbixin sanadkii lasoo dhaafey kasoo baxdey Qaramada Midoobey lagu eedeeyey iney qayb ka aheyd musuq-maasuq la doonayey in lagu dhaco hantida qaranka Somalia ee dibada taala.

Waxaa loo xaqiijiyey Puntlandes.com in magacaabista golaha Wasiirka intooda kale aan la isku diidanayn la iskuna af-gartey iyadoo dhowaan la filayo in la magacabo kana soo muuqan doonaaan Wasiiro horey isu casiley iyo kuwo qayb ka ahaa khilaafkii hareeyey Xukuumadii Ra’isal wasaare Cabdiweli iyo Madaxweyne Xasan.

Puntlandes.com

About The Author