Madaafiic sababay dhaawacyo oo lagu garaacay xaafado ku dhow Madaxtooyada

Ilaa afar madfac oo kuwa hoobiyeyaal ah ayaa saaka barqadii ku soo dhacay xaafado ku dhow dhow xarunta Madaxtooyada, xilli shirka Wasiirada Arrimaha Dibada IGAD uu ka socday Hotelka SYL.

Ugu yaraan shan ruux oo saddex ka mid ah ay dumar ahaayeen ayaa ku dhaawacmay madaafiicdan oo aan ilaa iyo iminka cid sheegatay jirin, hase ahaatee ciidamada la sheegay inay durbaba ku baxeen goobo la tuhunsan yahay in madaafiicda laga soo gamay.

Goob joogayaal ku sugan xaafadaha degmada Wardhiigley ayaa sheegay inay maqleen dhowr madfac oo soo dhacay, iyagoo arkay dhaawacyada dhowr ruux.

Ma jirto ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Hey’adaha ammaanka oo ku aadan madaafiicdan saakay barqadii la maqlay, sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa labadii maalmood ee u dambeysay waday howl galo lagu sugayay amniga.

Isku soo duuboo madaafiicdan lagu soo riday agagaarka Madaxtooyada ayaa ku soo aaday xilli uu shir muhiim u ah DFS uga socday magaalada, iyadoo wadooyinkamagaalada loo xiray, mudo sadex cisho ah si loo sugo amnigooda.

Puntlandes.com

About The Author