Sawiro: Isbitaalka guud ee caasimada Puntland Garowe oo ku dhow inuu guud ahaan xirmo

Xaalada Isbitaalka guud ee magaalada Garowe ee caasimada Dowlada Puntland ayaa xiligaan waxa uu ku jiraa marxadladii ugu xumeyd ee abid soo martay tan iyo intii Wasaarada Caafimaadka uu la wareegay Wasiir Saadaq Eenow.Waxaa laga cabsi qabaa in guud ahaan  Isbitaalka weyn ee Garowe  uu xirmo ama uu noqdo  mid joojiyo adeegyadii Caafimaad ee uu Bulshada reer Puntland gaar ahaa kuwa magaalada Garowe u qaban jiray.Waxaa sidoo kale aad looga deerinayaa nadaafada Isbitaalka oo la sheegay inay gaarsiisan tahay meel aad u liidata oo aan la eegi karin sida uu ii sheegay qof ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Garowe.

Mid ka mid ah dadka degan magaalada Garowe oo u waramaya Cabdiqani Cali Dalmar, ayaa waxa uu ugu warbixiyay xaalada Isbitaalka inay xiligaan tahay mid aad u liidata oo aan wax howl Caafimaad ah u qaban karin Buunkaaga soo booqdo Isbitaalka .

Sidoo kale waxa uu goobjoogahaasi xog-ogaalka ah uu inoo sheegay in adeega Biyaha ee Isbitaal ay istaageen waxaana haatan jirin wax biyo ah oo uu heysto Isbitaalka guud ee magaalada Garowe.

Wasaarada Caafimaadka ayaa lagu dhaliilay in aysan waxba ka qaban oo ay indhaha ka qarsatay wax ka qabashada xaalada Isbitaalka caasimada Puntland ee Garowe oo ah midka guud ee Caasimada Puntland .

Tan iyo intii uu xilka Wasaarada Caafimaadka  la wareegay Dr. Saadaq Eenow ma jirin wax adeeg Caafimaad ah oo uu Isbitaalka  qabtay, waxeyna arintani  imaaneysaa xili Wasiirka Caafimaadka Wareysi uu bixiyay dhowaan uu ku sheegay in Wasaaradiisa ay tahay mida ugu wax qabadka badan Puntland.

HADII ISBITAALKII GUUD EE CAASIMADA PUNTLAND AY NOLOSHIISA SIDAAN TAHAY DHAGEYSTA AMA AQRISTE MAXAAD U MALEYN KARTAA IN AY NOQON KARAA KUWA KALE EE KU YAAL MAGAALOOYINKA KALE EE PUNTLAND.
Sawiro


Xigasho: dunidaonline.com

 

Daabacaada: Puntlandes.com

About The Author