Daawo sawiro: Dr Mohamed Hassan oo booqday Iskuulka Cumar Samatara ee Gaalkacyo

Gaalkacyo (Pes) Dr Mohamed Hassan oo ah aqoonyahan ku nool magaalada Melbourne ee wadanka Australia oo maalmahan booqasho ku joogay Puntland gaar ahaan Gobolka Mudug ayaa wuxuu booqasho ku tagay Iskuulka Cumar Samatar ee Gaalkacyo. Dr Mohamed oo u kuurgalay sida uu u shaqeeyo Iskuulka Cumar Samatar ayaa wuxuu aad ugu riyaaqay sida uu Iskuulku u habaysan yahay.

Dr Mohamed ayaa wuxuu ku soo wareegay Iskuulka isagoo waqtigiisa qaaliga ah wax ka siiyey Iskuulka si uu Cashar uga jeediyo mid ka mid ah Fasalada Iskuulka Cumar Samatara ee Gaalkacyo.

Ugu dambayntii aad iyo aad ayey ardada wax ka barata Iskuulka Cumar Samatar u soo dhaweeyeen talaabadaas uu qaaday Dr Mohamed iyagoo soo jeediyey in ay aqoonyahana qurbojooga ah ee dhalatay Gobolka Mudug ay raacaan wada uu jeexay Dr Mohamed oo dhiirigeliyey Aqoonta iyo in wax la barto.

Daawo sawirada
1523

1524

1525

1526

1527
Puntlandes.com

About The Author