Xubno ka mid ah Wasiirada magacaaban oo aan soo noqonayn

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Puntlandes  ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid uu qorsheynayo in xubno ka mid ahaa 20-kii Wasiir ee uu magacaabay 27-kii bishii hore uu bedel ku sameeyo.

Ilo wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaruhu oo leh wada tashiyo uu ku soo dhameystirayo xubnaha Golihiisa Wasiirada uu doonayo in culeyska ugu badan ee haatan uga imaanaya Baarlamaanka inuu ku yareeyo.

Wararka ayaa sheegaya in ilaa 10 Wasiiro buuxa laga yaabo in laga siiyo Baarlamaanka, iyadoo Kudlooyinka u kala qeybsamay Baarlamaanka ay midba xubno muhiim ah ka dooneyso Golaha Wasiirada, kaasoo u eg qaab awood qeybsi oo kale ama dowlad wadaag.

Hadal heynta ku aadan in Ra’iisul Wasaaruhu ku noqonayo 20-kii Wasiir ee uu horay u soo magacaabay ayaa ahaa mid aad isa soo taray, iyadoo ilo ku dhow dhow Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ay inoo xaqiijiyeen.

Lama oga tirada uu ka bedeli doono 20-kii Wasiir ee uu horay u magacaabay Ra’iisul Wasaaruhu, laakiin waa dareen mar walba ku taagan xubnahan magacaaban, maadaama aanay aheyn Xildhibaano, hadii la bedelana ay culeyskooda lahaan lahaayeen.

Xukuumadda la dhameystirayo ayaa qorshuhu yahay in la gaarsiiyo ilaa 25-Wasaaradood, sida uu Ra’iisul Wasaaruhu sabtidii ka sheegay Baarlamaanka, taasoo ah inuu ku jaangooyo Miisaamiyada dowladda oo ah, waxaana uu u baahnayaa in 20-kii wasiir ee uu soo magacaabay inuu ku daro shan wasiiro.

Sidoo kale Wasiir kuxigeenada iyo Wasiiru dowlayaasha ayay u badan tahay inay ka yimaadaan Baarlamaanka, waxaana tallaabadan ay tahay mid uu u qaadayo sidii uu ku yareyn lahaa culeyska baaxada leh ee uga imaanaya Baarlamaanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xoojiyay wada tashiyadiisa uu la lahaa Xildhibaanada Baarlamaanka labadii maalmood ee u dambeeyay, waxaana Ra’iisul Wasaaruhu uu haatan heystaa lix cisho oo uga harsan mudada 10-ka cisho ee dheeraadka uu weydiistay Baarlamaanka inuu ku soo dhameystirayo Xukuumadda,

 Puntlandes.com

About The Author