Sawiro: Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Jubaland oo maanta soo gaaray Muqdisho

Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo lagu wado in saacadaha soo socda ay ka qeyb galaan shirar looga hadlayo aayaha siyaasada Soomaaliya.

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ugu horeyn soo caga dhigatay diyaaradii siday ee ka keentay magaalada Kismaayo ayaa sheegay in imaanshihiisa ay ka dambeysay markii dowladda Soomaaliya ay u yeertay, isagoo xusay in laga tashanayo siyaasada dalka.

Madaxweynaha Maamulka Jubba ayaa markii dambe loo gelbiyay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, halkaasoo uu kula kulmi doono Madaxda dowladda Federaalka.

Sidoo kale waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde soo caga dhigatay diyaaradii siday Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Gaas, waxaana ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo isugu jiray Xildhibaano iyo Wasiiro hore.

Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ayaa sheegay inuu u yimid Muqdisho wada tashi siyaasadeed oo ay dowladda Soomaaliya ugu yeertay, waxaana uu xusay inuu muddo labo cisho ah joogi doono.

Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa isna qeyb ka ah shirkan oo ka mid ah madaxda maamul goboleedyada ka qeyb galeysa.

Kulamada ka dhici doona magaalada Muqdisho ayaa looga hadli arrimaha aayaha siyaasada dalka, hiigsiga sanadka 2006, isku dhafka ciidamada dowladda ee gobolada dalka ku sugan, waxaana kulankan ka marneyn la tashiyada ku aadan soo magacaabista Xukuumada cusub.

gaas-

gaas3gaas2gaas1

 Puntlandes.com

About The Author