MUCAARADKA LOOGA SOO HORJEEDO CABDIWELLI GAAS OO SII XOOGAYSANAYA IYO DOORKA AY KU LEEYIHIIN XUBNO KA MID AH GOLAHIISA WASIIRADDA(XOG HOOSE)

Waxaa indhawaale isa soo tarayey dhaqdhaqaaqyo is daba joog ah  oo Wasiirka Waxbarashada Puntland Cali Xaaji Warsame uu uga hor imaanayey Madaxweynihiisa Cabdiwelli Gaas waxaana maalmihii u danbeeyey cirka isku shareeray khilaafka u dhaxeeya labada Masuul kadib markii ay soo shaac baxday  fadeexado ay ka mid tahay:

Wasiir Cali Xaaji wuxuu habeenadii la soo dhaafay ka waday Caasimadda Garowe shirar uu la lahaa qaar ka mid ah mucaaradka Madaxweyne Gaas ee Gobolka Nugaal. Shirarkas oo ujeedada ka danbaysa lagu macneeyey sidii la isaga kaashan lahaa loona mideyn lahaa howlaha lagu wiiqayo Madaxweyne Gaas oo si weyn ugu guuldaraystay hogaaminta dalka iyo weliba In la isku xiro Mucaaradka Maamulka Madaxweyne Gaas  ee ku sugan Nugaal iyo Mudug, taasina ay u suurta gelliso Wasiirka hamigiisa siyaasadeed ee xisbigiisa uu damacsanyahay inuu furto Mustaqbalka dhow.  Waxaa sidoo kale uu wasiirku door lixaad leh ka qaatay xil ka qaadistii lagu sameeyey Guddoomiyahii hore ee Gobolka Nugaal Cabdiqani Xaashi Cali Bumbo iyo magacaabidda Guddoomiha cusub Cabdullahi Ciise aw- Axmed oo hore u ahaa wakiilkii (Campaign manager) Wasiir Cali Xaaji ee Gobolka Nugaal xilligii uu Wasiirku u tartamayey doorashadii Madaxweyne ee ka dhacday Puntland.

Waxaa xasuus mudan in Wasiir Cali Xaaji uu horey u abaabulay shirar siyaasadeed oo uu kula kulmay waxgarad, Ganacsato, aqoonyahano iyo odayaal ka soo jeeda Jifidiisa oo ka dhacay Qurbaha (Minisota (USA), Nairobi,  Dubai) iyo dalka gudihiisa (Mogadishu, Garowe, Bosaso, Gaalkacyo,Godad,iyo Malaasle) kuwaas oo dhammaan ujeedada ka danbaysa ay ahayd sidii Wasiirka loogu taageeri lahaa hankiisa siyaasadeed, isla markaasna loog xoojin lahaa ragaadinta iyo xagal-daacinta maamulka uu ka dirsan yahay ee Madaxweyne Gaas. Wuxuu sidoo kale kullamo  siyaasadeed oo qarsoodi ah kula yeeshay Muqdisho iyo Dubai qaar ka mid ah xubnaha uGu fir-fircoon kooxda Dammu-Jadiid ee Madaxweyne Xasan Culusow xilli uu jirin Xiriir Shaqo oo ka dhaxeeya Puntland iyo Maamulka Muqdisho isla markaasna uusan fasax ka hellin Madaxweyne Cabdiwelli Gaas.

 

Shirka Godad iyo doorka Wasiir Cali Xaaji:

Waxaa maalmaha soo socda loo ballansan yahay in la qabto shir weynaha jifida Mahad faarax ee beesha Cumar Maxamuud oo lagu ballansanaa in lagu qabto Tuulada Godad ee duleedka koonfureed ee Gaalkacyo. Shirkaan ayaa fikradda ka danbaysa waxaa lahaa Wasiirka  Waxbarashada Puntland Cali Xaaji Warsame, dhaqaalaha ku baxayana waxaa iska kaashanaya Wasiirka, Mr. Siciid Cali Yuusuf (Gaadayare) Agaasimaha Idman ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland iyo Ganacsade Siciid Cabdi Firin (Siciid faalso) oo hogmaamiya  kooxda dot.com oo dhawaan la rajaynayo inuu soo gaaro madasha shirka. Ganacsade Siciid Faalso oo xiriir dhow la lahaa Madaxweyne Gaas Xilligii doorasha ayaa hadda lagu tiriyaa mid ka mid ah kuwa ugu daran mucaaradka. Khilaafka labada nin ayaa salka ku haya kadib markii lacag badan ($ 500,000/-) oo uu Siciid Faalso ku bixiyey mucaaradkii iyo la dagaalankii dowladii uu hogaaminayey Abdirahman Farole, lacagtaas oo uu illaa hadda ka sugayo in Madaxweyne Gaas in uu uceliyo. Sidoo kale waxaa uu ku guul daraystay in qayb ka noqdo mashruuca Warshadda samaynta lacagta Faalsada ee laga hirgelinayo Bosaso. Dhanka odoyaasha iyo nabadoonada waxaa shirka abaabulkiisa u matalaya nabadoono caan ka ah jifida Mahad faarax oo ay ka mid yihiin nabadoon Yaasiin Cabdisamed,  Nabadoon Gaani iyo Xuseen Cilmi Dhagow, iyo kuwo kale. Illo xog-ogaal u ah qabanqaabiyayaasha shirka ayaa waxay xaqiijiyeen in ujeedada ka danbaysa qabashada Shirka Godad ay tahay sida soo socota:

  1.  In la qabto shirka Godad ka hor booqashada Madaxweynaha ee Gobolka Mudug ee la qorsheeyey, si Madaxweynaha iyo kooxda la talisa cadaadis weyn loogu saaro in masuuliyiinta ku abtirsada jifida Mahad Faarax ee uu ugu horeeyo Cali Xaaji, Dhagaweyne, iyo Gaadayare  aan xilka laga qaadin. Waxaa maalmahan wararka ka soo baxaya masuuliyiinta madaxtooyada Puntland sheegayaan in Wasiir Cali Xaaji iyo ragga kaleba ay uu ku jiraan liiska masuuliyiinta uu doonayo Madaxweynuhu inuu xilka ka qaado dhawaan.
  2.  In Wasiir Cali Xaaji uu jifidiisa hoose kaga hello garab istaag siyaasadeed iyo mid ciidan haddiiba ay dhacdo in xilka laga xayuubiyo. Wasiirka ayaa asagoo adeegsanaya Xildhibaanka jifida Sh. Shaacuur iyo kooxda Dot.com oo si weyn ula shaqaynaysay xilligii uu  Wasiirku ku jiray doorashada Jagada Madaxweynenimada Puntland ayaa maalmahan aad ugu mashquulsanaa sidii  loo diyaarin lahaa qorshe dhamaystiran oo ku aadan sidii loogu guulaysan lahaa agendaha shirka Godad.
  3. In Wasiir Cali Xaaji uu muujiyo inuu hoggaanka u hayo siyaasadda beesha Cumar Maxamuud, gaar ahaan tan jifidiisa hoose, wuxuuna asagoo ka faa’iidaysanaya  xiriirka aan wanaagsanayn ee ka dhaxeeya Madaxweyne Gaas iyo Beelaha degga Gobolka Mudug, gaar ahaan beesha Cumar Maxamuud uu Wasiirku  uu dhawaan    ciidanka difaaca furrinta hore ee Godad ugu deeqay dhaqaalle raashin iyo gaadiid dagaal.
  4.  Wasiirka Waxbarashadda Puntland Cali  Xaaji ayaa sidii u qabtay xilka Wasiirka Wasaaradda Waxbarashad wuxuu ku mashquulsanaa arrimaha siyaasadda asagoo safaro isdaba joog ah ku marayey dalka dibediisa, iyo Muqdishu waxaana in badan dadka reer Puntland  isweydiiyaan waxa uu ka qabtay howshii loo magacaabay oo ahayd in wax ka qabto Waxbarashada dalka isla markaasna uu dalka keeno mashaariic iyo deeqo waxbarasho. Wasaaradda Waxbarashadda oo lagu tilmaami jiray hormuudka Wasaaradaha Puntland ayaa intii Wasiir Cali Xaaji uu xafiiska qabtay waxaa hareeyey maamul-xumo musuqmaasuq, is qab-qabsi iyo shaqo yari baahsan. Wasiirka ayaa rumaysan inuu yahay ninka xaqa u leh inuu Madaxweyne Gaas la qaybsado hogaaminta Puntland maadaama uu siiyey Madaxweyne Gaas codadkii lagu riday Dowladdii uu hogaaminayey Dr. Cabdiraxmaan Faroole.

 

W/Q: Maxamed Suleymaan

PFF- Gaalkacyo

 

About The Author