Daawo Video: Musharax Dr Gaas 23 sept 2013 ”inta aan ciidamadii Amniga sugayey aan Mushahaarkooda la siin Amni ma jirayo”

Musharax Dr Gaas ayaa wuxuu waraysi siinayaa TV ha universal 23 sept 2013, magaalada Nairobi. Wuxuu Dr Gaas samaynayaa balanqaadyadii uu dadka ku siray kuwaasoo hada cadayn loo hayo in aysan sal iyo raad lahayn. Waxaa yaab leh waxa uu ka hadlyaa in aan nabadgelyo dadka reer Puntland helayn ”inta aan Mushahaarkooda la siin ciidamadii Amniga sugayey”. Runtii waa wax lagu qoslo maxaa yeelay waligeed hore uma dhicin in aysan Ciidamadu aysan Mushahaar qaadan 8 bilood ka badan iminka oo Gaas madaxweyne ka yahay Puntland ka hor.

Sidii caadada u ahayd Dr Gaas wuxuu ku ”faanayaa in uu isagu keenay mashaariicda Airportiyada” isagoo yiri dadkaa been loo sheegaa… Wuxuu kaloo sheeganayaa in uu Tvga iyo idaacada uu isagu keenay ileen cid kale waxba ma qorto mana akhrisee!!!!!!

Mar uu ka hadlayey Dr Gaas gobolka Sool ayuu yiri ”Qabiil qabiil kama qabsan Lascano ee dawlad baa dawlad ka qabsatay” wuxuuna intaas ku sii darayaa isagoo Khaatumo ka hadlaya ”dadka lokalka ah markii ay damceen in ay iyagu soo ceshtaan dhulkooda dawlada hada jirtaa waxay ku noqotay cadaw, awoodna uma laha ay ku soo celiyo dhulka dadkiina waa hor istaagay”

Mar uu ka hadlayey Federaalka wuxuu yiri ”kuwa Federaalka rabaana waxay rabaan ma fahansana (Puntland), kuwa diidayaana waxay diidayaan ma garanayaan” Wuxuu tusaale u soo qaadanaa qolada ”Puntland” ee leh ”Xukuumadda madax ka noolka ah , oo haddii ninka xukumaa maqan yahay istaagta”

Dr gaas ayaa waxyaalaha uu aadka uga hadlay uuna balanqaaday in uu la dagaalamidoono waxaa ka mid ahaa Musuqmaasuqa.

Hadaba Akhriste muxuu ka qabatay balanqaadayaas aadka u qurxoonaa oo iska daaye in uu madaxweyne Dr Gaas wax ka qabtee gaaray intuu madaxweynaha ka ahaa meeshii ugu liidatay abid. Mushaar lama bixiyo, Amnigii magaalooyin Gaalkacyo iyo Bosaso faruhuu ka baxay, Gobolkii dhamaa ee Mudug Cabdiqaybdiid baa leh anuu igu fiican yahay, Sool, Sanaag iyo Cayn intii Somaliland haysatay oo uu lahaa ”Faataxo laguma qabsan” waxay ku darsatay dhul kale oo hor leh jawaabtii madaxweyne Gaas na waxay noqotay ”waa ARGAGAXNAY”. Musuqmaasuqa ayaa gaaray meeshii ugu xumayd oo xataa aan la barbar dhigi karin Xukkumaddii Cade!!

Daawo Videoga

Puntlandes

About The Author