Hoggaanka Kooxda Cabdiwali Gaas iyo Mustaqbalka Puntland

Maalin kasta Puntland waan la hadlaa waana la igala so hadlaa, waxaana ka war qabaa meesha ay marayso siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan, amni ahaan iyo horumar ahaan halka ay joogto ama haddii ay dib-u-dhac ku jirto.
photo_1329932099790_5_0.largeslideshow_-620x330Waxaan si weyn ula qabaa qoraha article-kan iyo arrimaha uu ka hadlay, waxana habboon in xaqiiqda mar kasta laga hadlo. Shanta sano ee la doortay aqoon yahanka isbeddeldoonka ah ee Dr. Abdiweli M. Ali waxay noqoneysaa shan sano oo khasaartay mid waaba tegaye, haba khasaaretee qiimo badan ugu kacaysaa dadka reer Puntland.
Siyaasad ahaan Puntland waxay magan u tahay kooxaha Dam Jadiid iyo Ictizaam oo u muuqda iney midoobeen ama isku darsameen, kana midaysan qorshayaal badan gaar ahaan Puntland, waxana xusid mudan in Puntland ay hoggaamiyaan kooxda Ictimsaam oo aan Al-shabaab wax badan ka duwanayn dhinaca aragtida.
Dhaqaale ahaan, Puntland waxay maraysaa meelihii ugu xumaa ee abiid ay gaadho, waxana ilaa lix bilood aan la bixin mushaharaadkii shaqaalaha rayidka ah iyo ciidamada.
IMG_20531Marka la eego dhaqaalaha sida gaarka ah loo leeyahay waxaa saameeyey hoggaan xumo iyadoo dhowaan la soo daabacay lacago Soomaali ah oo qiimo dhac sababaya iyo maciishada iyo nolosha dadka oo hoos u dhacda.
Waxaa laga yaabaa iney dad badan ku khaldaan lacagta 18 ama 19 malyuun ee dollar ah ee World Bank siinayo si ay mushaharaadka shaqaalaha u bixiyaan, waxana dadka aan war hayn ay ku khatali doonaan miisaaniyadda ayaan kor u qaadnay oo todobaataneeyo malyuun gaarsiinay.
Amni ahaan, Puntland waxay ku sugan tahay meel aad u hooseysa, waxana muuqata in kooxda argagaxisada ah ee Al-shabab ay u bareereen iney magaalooyinka waaweyn sida Boosaaso ku qaadaan duullaan hubaysan iyadoo la filan karo weeraro kale oo ay inakaga baxaan naf iyo maal.
Midnimada dadka Puntland maba jirto oo maanta waxa lagu midaysan yahay iyo degaan midaysan ma jiro, waxana xilliyada soo socda ay caqabado fara badan ka iman doonaan Gobolada Dhexe oo furin hor leh ah iyo Sool iyo Sanaag oo furimo kale ah , halka Al-shabaa ay tahay furin iyo khatar kale.
IMG_8582Maamulka Cabdiweli Gaas oo ku sifoobey mid jilicsan oo aan la tacaali karin dhibaatooyinkaa waaweyn waxa uu ku jiraa xilli imtixaan ah oo ay u badan tahay in uu ku fashilmo.
Waxa ku geedaaman koox yar oo wiilal qurba joog u badan oo aan waxba ku kordhin karin iyo Gole Wasiirro oo karti daran.
Inta badan dadka uu magcaabay oo reerkiisa u badan waxay u adeegaan dhinacyo kale oo ka baxsan Puntland, waxana uu dhaqaalaha inta badan ku bixiyaa waxa loo yaqaan ” Fadlan” iyadoo lacagtu inta badan aaddo dhinaca meela isaga u gaara oo uu saaxiibo badan ku leeyahay.
Safarradiisa maran ee uu ku tago gobolada iyo meelo dibadda ah waxba ma soo kordhiyaan aan ka ahayn in dhaqaale badan ku baxo.
Kooxda Isbeddel doonka ah ee Puntland iyo hoggaankooda Cabdiweli Gaas waxaa la gudboon iney dhega u yeeshaan baahiyaha iyo cabashada ka imanaysa dadka gudaha Puntland ee wanaagga jecel.
Laakiin waxaaba muuqda iney yihiin niman aan wax maqlin oo keligood-talis ah oo xitaa warbaahintii madaxa bannaanayd ee dhaliilaha qoraysay ay shirkadihii ganacsigu hawadaka saareen.
Waa layaab waxa sidaa yeelaya waa aqoon yahankii Maraykanka iyo dhulkii xorriyadda hadalka iyo Dimuquraadiyadda ka yimi ee wax ku soo bartay ee Mudane Cabdiweli Gaas.

Xigasho:- http://abdi-muse.blogspot.com/
Abdirashid Muse
Daabacidii:- Puntlandes.com

About The Author