Daawo Video: Ciise Maxamud ka shiray Xaalada Nabadgalyo ee Caasimada Puntland

Waxaa maanta ka dhacay Xarunta  Gobolka Nugaal ee magaalada Garowe kulan ay soo qaban qaabiyeen masuuliyiinta kasoo jeeda Beesha Ciise Maxamuud ee xilalka ka haya Xukuumada uu hogaamiyo  madaxweyne Dr Gaas .

Kulankaan oo ahaa mid lagu casumay qeybo ka mid ah Nabadoonada iyo Bulshada ayaa lagu gorfeeyey xaalada cakiran ee ka taagan caasimada Puntland ee Garowe, Waxaana halkaas laga soo jeediyey hadalo kala duwan oo qof walba uu kaga hadlay fikradiisa.

Mid ka mid ah Nabadoonadii kulanka ka hadlay magaciisana la yiraahdo Abshir Cali Halow ayaa sheegey inay yihin Dadka dhibta iyo Qaska ka wada Garowe Ciise Maxamuud.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa ka taagnaa Caasimada Puntland ee Garowe Khilaaf ba’an oo u dhaxeeya saraakiisha Ciidamada Puntland iyo madaxweyne Gaas taasoo abuurtay khal-khal amni.

Daawo Videowga

Puntlandes.com

About The Author