Maraykanka oo ku baaqay in shirka doorashooyinka laga qeybgalo

23 Mars 2021 (Puntlandes) Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa baaq u dirtay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada xilli shir la filayey inuu ka dhaco Afisyoone uu qabsoomi waayey.

Shirkaasi oo qorshuhu ahaa inuu shalay furmo ayaa waxaan ka qeyb galin madaxweynayaasha dawlad goboleedyada Puntland iyo Jubaland Saciid Deni iyo Axmed Madoobe.

Qoraalka ay safaaradda soo dhigtay barta twitter-ka ayaa waxaa  lagu yiri “Waxaan ku boorineynaa Farmaajo inuu xaqiijiyo ka qeybgal buuxa oo ku aadan shirka, islamarkaana uu dhammeeyo heshiis doorasho. Waxaan ku boorineynaa Saciid Deni, Axmed Madoobe, Qoor Qoor, Cali Guudlaawe iyo Lafta-gareen inay ka qeyb-galaan shuruud la’aan,”

Madasha Badbaadada Qaran waxay waxay doonaysaa in shirka ka hor la isla meel dhigo sadaex qodob oo kala ah in amniga goobta la sugo, in madaxweyne Farmaajo uu mas’uuliyadaha qaarkood ku wareejiyo, iyo inay shirka joogaan beesha caalamka oo dammaanad qaad ka noqday fulinta waxa lagu heshiiyo.

Puntlandes

About The Author