Qiimaha hubka ee Muqdisho oo sare u kacay

Filed under: Wararka maanta |

06 April 2021 (Puntlandes) Qiimaha la iibiyo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa sare u kac ku yimid shantii bilood ee u dambeysay iyadoo arrintan dhowr arrimood loo sababeeyay, sida khilaafka siyaasadeed ee ka taagan doorashada iyo xaaladi ka jirtay Gobolka Gedo, halkaasoo dowladdu hub u daabuleysay.

Weapons looted from a former United Arab Emirates (UAE) military training camp are displayed during a Reuters interview in Mogadishu, Somalia April 25, 2018. REUTERS/Feisal Omar

Xog uruurin aan maalmihii la soo dhaafay ku sameeyay hubka lakala iibsado iyo suuqyada loo yaqaano cirtoogte ayaa la ii sheegay in labadi bilood ee la soo dhaafay hubka aad loo kala iibsanayay, iyadoo qiimihii hore la iibinayay labo jibaar ku dhow uu qaaliyoobay.

Hubka noocyadiisa kala duwan ee la iibsanayay ayaa isugu jiray qoriga Dhashiikaha, Qoriga PKM, RPG ama Sabanka iyo Qoriga AK47.

Dhinacyada ugu badan ee suuqyada cirtoogtaha hubka ka iibsanayay hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa ka mid ah qaar ka mid ah Musharaxiinta oo aad isu hubeynayay, waxaana arrintan ay ka dambeysay 19 February markii magaalada Muqdisho ka dhaceen shaqaaqo iyo isku dhacyo u dhaxeeyay Musharaxiinta iyo dowladda oo Hotel ay degenaayeen Madaxweynayaashi hore la weeraray, sidoo kalena bannaan bax ay hoggaaminayeen qaar ka mid ah Musharaxiinta la rasaaseeyay, inkastoo dowladdu cudur daar ka bixisay shaqaaqadaas

Hubka kaliya ma noqon qaali waxa kaloo sare u kacay rasaasta la iibiyo hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo rasaasta qoriga RPG ama Sabanka loo yaqaano uu gaaray halkii xabo $260.