Daawo Dr Gaas oo sharcidaro ku tilmaamay muddo kordinta farmaajo

15 April 2021 (Puntlandes) Madaxweynihii hore ee dawladda Puntland isla markaasna ah ra’iisul wasaare hore Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo wareysi bixiyey ayaa ka hadlay xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan go’aankii muddo kordhinta ee xildhibaanada golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya.

Dr Gaas ayaa sheegay inay sharci darro tahay muddo kordhinta loo sameeyey hay’adaha dowladda Soomaaliya, aysana meelna uga ool dastuurka dalka oo tilmaamaya muddo xileedkooda. Sidoo kale wuxuu sheegay in go’aankan uu saameynayo dalka oo dhan iyo amniga Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Waa sharci darro waa go’aan qaldan oo waqti qaldan kusoo aaday waayo baarlamaanka, isaga ayaaba waqtigiisa dhamaaday in uu soo saaro ma aheyn go’aan dalka saameynaya oo amniga saameynaya, wax la aqbali karana maahan,” siyaasiga Cabdiweli Gaas.

Puntlandes.com

About The Author