Daawo Sawirro-muuqaal: Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo qaadacay muddo kordhintii ay sameysteen Goleyaasha DFS ee wakhtigu uu dhammaaday.

17 April 2021 (Puntlandes) Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo ka duulaya Qodobka 60aad farqadiisa 1aad iyo Qodobka 64aad farqadiisa 6aad ee Dastuurka Dawladda Puntland ayaa waxay si adag uga hor-yimaadeen, qaararna ka qaateen muddo kororsiga sharci darada ah ee ay sameeysteen Goleyaasha Dawladda Federaalka Soomaaliya, taas oo ay tilmaameen in uu ka hori-manayo Dastuurka DFS qodobadiisa 4aad, 60aad, 71aad iyo 91aad.

Fadhiga maanta oo uu Shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril uu ay wehliyaan ku xigeenka 1aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman iyo Ku xigeenka 2aad Ismaaciil Maxamed Warsama.

Fadhiga oo ay maanta joogeen 52 Xildhibaan ayaa waxaana Qaraarna Ogol ugu codeeyay 49, Diidmo 1, Aamus 2 Mudane.

 



Puntlandes.com

About The Author