Sawirro-Muuqaal: Gacan ka hadal Nabadsugida & Waaxda Socdaalka ku dhex maray gudaha garoonka diyaaradaha Adan Cadde (sawirro & muuqaal naxdin leh)

22 April 2021 (Puntlandes) Ciidan ka tirsan Nabadsugida dharcada ee garoonka diyaaradaha iyo Shaqaalaha Waaxda Socdaalka ayaa saaka isku dhac gacan ka hadal ah ku dhex maray qeybta dadka ka soo dega diyaaradaha caalamiga ee Aadan cadde ee magaalada Muqdisho.

Gacan ka hadalkaan ayaa sababay inay daataan muraayadihii iyo qalabkii yaallay miiska Waaxda Socdaalka ee qeybta hubinta dadka soo dega ee loogu dhifto gelitaanka iyo dal ku galka ah.

Wararka ayaa sheegaya in isku dhacan uu ka dambeeyay markii shalay dad ajnabi ah oo garoonka ka soo degay ay Waaxda Socdaalka ku hakisay qeybta hubinta, lagana dalbaday damaanad iyo cida ay u socdaan, hase ahaatee intii ay howshaas socotay ayaa Nabadsugida dharcada ee garoonka ay dalbadeen inay raggan la wareegaan, balse ay shaqaalaha Waaxda Socdaalka u sheegeen in marka hore raggan la hubiyo, intaas kaddib Nabadsugida ayaa ragga ajnabiga ah xoog ku watay, waxaana dhacday in gacan loo qaaday mid ka mid ah saraakiisha waaxda Socdaalka.

Intaas kaddib ayaa saakay iyadoo rakaabka ka soo degay diyaaradda Turkish Airlines oo safaf lagu ayaa waxaa mar kale isku dhac gacan ka hadal ah uu dhex maray shaqaalaha waaxda Socdaalka iyo Ciidanka Nabadsugida, waxaana isku dhacaas uu sababay dhaawac iyo inay muraayadihii miiska hubinta dadka soo degaya ay daataan.

Xaalada gacan ka hadalka ah ayaa sababay inuu saacad hakado howlihii qeybta dadka ka soo dega diyaaradaha caalamiga, waxaana dhacdadan ay aheyd arrin lala yaabay oo garoonkii isku bedelay goob fowdo ah..



Puntlandes.com

About The Author