Daawo Video: Madaxda Gobolka Waqooyi Bari Kenya oo balan qaaday inay soo qaban doonaan…

Masuuliyiinta Gobolka Waqooyi bari Kenya ayaa balan qaaday in hal bil gudaheed ay ku soo qaban doonaan dadka maalgeliya Alshabaab ee ku sugan Kenya gaar ahaan Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Masuuliyiintan ayaa dhanka kale ku baaqay in albaabada loo laabo dhamaan Xeryaha Qaxootiga ee ku yaala Kenya loona wareejiyo dhanka Soomaaliya. Masuuliyiintu waxay sidoo kale sheegeen in dib loo fiirin doono duruusta laga bixiyo masaajida si loo ogaada inaysan wax xagjirnima ah kujirin.

Waxay sheegeen inay gacan ka gaysan doonaan tirakoob lagu sameeyo dhamaan dadka ku nool sadaxda degmo si loo kala saaro muwaadiniinta iyo ajaanibta iyagoo ugu dambeyntii shirka ka yaboohay 15 milyan oo ay sheegeen inay ugu deeqeen qooysaskii waxyeelad kasoo gaadhay weerarkii jaamacada Gaarisa

Daawo Videowga

Puntlandes.com

About The Author