Madaxweynaha DFS “Dhawaan dalka oo dhan ayaan ku baahin doonaa Xukunka DFS”

Madaxweynaha DFDS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuu socdo qorshe dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada ay iska kaashanayaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, isagoo cadeeyay in dhowaan dalka oo dhan ku baahi doono xukunka dowladda.

Madaxweynaha oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib safarro uu ku tagay dalalka Urdun iyo Turkiga oo uu shirar uga qeyb galay ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay garoonka diyaaradaha kaga hadlay safarkiisa.

 

Madaxweynaha ayaa xusay in ay dhawaan  xukunka dowladda ku baahin doonaan dalka oo dhan, wuxuuna yiri isagoo ka hadlaya “Arrimaha Amniga dalka Soomaaliya waa socota howl xowli badan ku socota oo dowladda Soomaaliya iyo Maamul goboleedyada ay wadaan sidii dalkan taladiisa gacanta DFS loogu soo celin lahaa”

2026a
Madaxweyne Xasan oo Amarsiinaya madaxweyne Gaas

Madaxweyne Xasan ma xusin sida uu dalka oo dhan Xukunkiisa ugu baahin karo iyo maamulada kala shaqaynaya in Xukunkiisu baaho, laakiin waxa aynu ognahay in madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed cali Gaas uu si toosa u hoosgeeyey Puntland Xasan Sheekh iyo Dawladiisu uuna Amarka si toos ah uga qaato, isagoo aan dhagaysanayn rabitaanka shacabka Puntland ee uu madaxweynaha u yahay.

Puntlandes.com

About The Author