Fahad Yaasiin : Waxaa is guursaday haweenay Alshabaab xubin ka ah iyo Sarkaal NISA ah

20 Jan 2022 (Puntlandes) Agaasimihii hore ee hay’adda sirdoonka iyo nabad suggida Soomaaliya ee NISA ayaa markii ugu horeysay ka hadlay hawlaha NISA iyo shaqooyinkii uu kasoo qabtay.

Fahad oo lagu yaqaano in uusan saxaafadda ka hadlin, kana soo muuqan sawir iyo cod toona, ayaa maqaalkan kaga sheekeeyay waxyaabihii u qabsoomay NISA tan iyo intii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu Fahad u magacaabay agaasime ku xigeenka NISA 15-kii Agoosto, 2018-kii, xilkaas oo markii dambe uga sii gudbay in uu noqday ku simaha agaasimaha NISA ee mudada dheer.

Faallada uu qoray Fahad Yaasiin ayaa qornayd sidaan hoose:

Haddii aad wanaag fasho wanaag baa la fishaa

Waxay ahayd 15, kii Agoosto 2018, markii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ii magacaabay Ku Xigeenka Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Waxey ahayd masuuliyad culus iyo shaqo igu cusub, balse waxaa ii muuqatay muhiimadda ay leedahay shaqada sirdoonka qaranka oo ah ilaalinta nabadda iyo danaha Qaranka, iyadoo bartil- maameedka ugu horreeya uu yahay helidda xog sugan oo ka dhigi karta sirdoonkeenna mid la isku halleyn karo oo dhammaystiran.

Kolkii aan xog urursadey, una fiirsaday shaqada iyo waajibaadka horyaalla hay’adda waxaan fahmay sadex arrimood oo aad u muhiim u ah.

Waa tan koowaadee, halka dal ka dhismo, ka horumaro, lagana cabbiro awooddiisa inay tahay tayada sirdoonkiisa. Waa tan labaadee, waxaan u tagay saraakiil, saraakiil-xigeenno iyo xubno kala duwan, oo leh aqoon iyo xirfad lasoo dhisayay tan iyo markii la aasaasay, sanadkii 1970-kii, kuna hubaysan daacadnimo iyo dal jacayl. Waa tan sadexaadee, waxaan la kulmay dhallinyaro karti iyo aqoon leh oo u baahan isku dubarid iyo dib u qaabayn, si ay uga hortagaan ururada argagixisada iyo kooxaha kale ee abaabulan ee khatarta ku ah amniga dalkeenna. Hay’adduna awood buuxda ugu yeelato dhexgalka cadowga iyo helista xogohooda.

Sadexdaas isla jaanqaadkooda ayaa keenaysa in nabadda iyo barwaaqada shacabkeenna ay ku xiran tahay horumarinta iyo tayeynta Sirdoonka Qaranka, sababtoo ah dal aan laheyn amni la isku halleyn karo marna ma gaarayo horumarka iyo barwaaqada uu hiigsanayo.

Tilmaamaha iyo dardaaranka Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, ee aan shaqada ku bilaabay waxaa saldhig u ahaa gaarista laba yool; Soo celintii tayada iyo awooddii Sirdoonka Qaranka, si ay tartan ula gasho Hay’adaha dhiggeeda ah ee gobolka iyo qaaraddaba, ulana jaanqaaddo dunida sirdoonka casriga ah, islamarkaana u gudato waajibaadka ka saaran ammaanka Qaranka ee guddaha iyo dibbada.

Tan xigtana, waxay ahayd soocelinta kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan Sirdoonka Qaranka, waxayna ka bilaabanaysa Xamar oo nabad ah, oo degan, taas oo ah arrin mudan in ahmiyad wadareed lawada siiyo.

Dhanka shaqada waxaa Madaxweyne Farmaajo welwel iyo feker joogta ah ku hayey tirada dhimashada iyo dhaawaca ka dhasha qaraxyada iyo beegsigii tooska ahaa ee lagu ugaarsan jiray hal-doorkii shacabka, iyadoo bil walba la horgayn jiray tirakoob qeexaya xaaladda amniga dalka, gaar ahaan Caasimadda, oo ay bilaha qaar dhici jireen wax ka badan 85 fal danbi, oo u kala qaybsan qarax, beegsi toos ah iyo burburin hanti, ayna ka dhalan jirtay dhimasho, dhaawac iyo burbur hanti.

Dhismaha dharcadda [ilaalada shacabka] waxay noqotay qoshe mira dhalay, oo noqday saaxiibka koowaad ee bulshada, tababar heerkiisu sarreeyo iyo tayayn lagu sameeyey dhallinyarada waxbaratay ayaa keentay inay dhismaan dharcadda ilaalada shacabka.

Waxaa xasuus mudan askari katirsan Ilaalada shacabka in loo soo bandhigey
fursad ah in loo magacaabayo Guddoomiye Degmo. Askarigaasi wuu diiday dalabkaas, isagoo ku jawaabay, ilaalada shacabka waa shaqadii ugu wanaagsanayd ee aan Qaranka u qaban lahaa, waana ilaalinta nafta iyo maalka bulshadeenna, taasoo muujinaysa miisaanka iyo micnaha ay agtooda ka leedahay dhalinyarada Soomaaliyeed sugidda amniga bulshada iyo tan Qaranka.

Qorshe isku tashiga ayaa jiray, wuxuuna ahaa qorshe aad u balaaran oo saldhig u noqday sidii loo heli lahaa hay’ad ku taagan wixii lagasoo dhex dhaliyo maskax-shiilka dhallinyarada khubarada ah ee la carbiyey, kuna hawlan sidii afkaar-curintooda loogu rogi lahaa shaqo raadkeeda ay dadku arkayaan oo qaranku u aayo!

Qorshahaas baa keenay in hangool la iskaga qabto wax soosaar aynaan ummad ahaan curintiisa waxba ku lahayn ama la falgalkiisa aanad ku filnayn, kaas oo ku tiirsan, kuna xiran taakulo shisheeye oo si joogta ah kuula nool.

Tan waxay ahayd taladii ugu haboonayd ee la qaatay. Taladaas waxay na gaarsiisay in Hay’adda Sirdoonka Soomaaliyeed lagu hago aqoon iyo khibrad ay curiyeen ama la falgaleen wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed oo jecel sidii uu dalkooda u hormari lahaa.

Qiimaynta sadexdii bilood walbaba, waxaa soo hagaagayey jawiga nabadeed ee dalka, waxaana is dhimayay tirada dhimashada ka dhasha falalka kala duwan ee argagixisada, wuxuuna gaaray hoos u dhac ballaaran oo bilaha qaar dhici jireen wax kayar sagaal fal danbiyeed ay ku dhinteen ama ku dhawaacmeen tiro boqolkiiba sagaashan ka hooseysa sidii sanadihii hore ay ahayd.

Madaxweynaha iyo madaxda kala duwan ee Qaranka waxay taas uga dhignayd farxad iyo horumar, waxayna dhiirrigalin joogta ah la garab taagnaayeen shaqada wanaagsan ee ay u tagaanyihiin hay’adaha amniga Qaranka guud ahaan, iyo hay’adaha sirdoonka ee kala duwan.
Dagaalkii qaboobaa wuxuu sirdoonkeenu ahaa mid dunida ka tilmaaman oo dunidu ku kutashato, saamayn weyna kulahaa siyaasadaha dunida iyo xiriirada kala geddisan ee caalamka.

Dhawr dowladood oo qaarada Afrika katirsan oo xilliyo kala duwan aanu kulannay ayaa nooga sheekeeyay sidii sirdoonka Soomaaliya uu sabab ugu noqday dhismaha dalkooda iyo dhismaha hay’adda sirdoonkooda, hadday tahay tababarid iyo qalabaynba.

Mid kamid ah hoggaamiyeyaasha Hay’ad Sirdoon oo dal Afrika ah ka socday oo Xamar igu soo booqday ayaa shirkeennii ku furay in xaruntan NISA uu ku qaatay tababarkiisi koowaad markii la aasaasayey sirdoonka dalkooda sanadkii 1979-kii, wuxuu markale naga codsaday inaan siinno tababaro dhanka la dagaallanka argagixisada ah.

Hay’adaha sirdoonka caalamka kuwooda ugu saamaynta badan waxay sheegaan in NISA ay kamid tahay Hay’adaha ugu awoodda badan qaaradda Afrika xaga la dagaallanka argagixisada, halka Gobolka Geeska Afrikana ay NISA hormuud u tahay dhanka la dagaallanka argagixisada, laguna kalsoonyahay xogtooda iyo khibradooda.

Muddadii aan Agaasimaha Guud ka ahaa Hay’adda Sirdoonka Qaranka, saddex sano ee u dambaysay waxaa booqasho rasm ah noogu yimid Muqdisho ilaa sideed Agaasime Guud oo ka kala yimid dowladaha ugu saamaynta iyo awoodda badan dunida, iyo kuwa qaaradda Afrika oo aan qaarkood daris nahay ama isku khatar amni ah wada leenahay, iyagoo si qotodheer u fahamsanaa awoodda iyo khibradda ay leeyihiin saraakiisha sirdoonka Soomaaliya.

Xusuustayda waxaanan ka tirmi doonin sheekooyin yaab leh oo ahaa kuwo dhaliyay guulo saamayn weyn ku yeeshay nabadda iyo daganaanshaha. Dabcan dhammaantood masoo qaadan karo balse haddii aan soo qaato mid iyo labo; waxaan ogaannay sarkaal katirsan Hay’adda inuu si qarsoodi ah ku guursaday gabar xubin ka ah shabaab, una qaabilsanayd dabagalka sirdoonka Soomaaliya, sarkaalkani wuxuu ahaa sargaalkii labaad ee ay haweenaydaasi sidaas ku guursato. Ujeedku wuxuu ahaa si ay gabbaad ay magaalada ku joogto uga dhigato, shaqooyinkeedana fursad ugu hesho, marka dambana ay khaarijiso.

Sarkaalkii waxaa la faray inuu caadi iska dhigo, lana noolaado, si buuxdana uu usoo wada helo xogta shabakadda ay la shaqayso. Hawlgalkaas wuxuu sahlay in lasoo qabto 12 ka tirsan Maafiyada Shabaab, oo meelo kala duwanna shaqo ka waday, waxaana loo gudbiyey baaritaan, kadibna markii lagu helay dambiyo ayay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ku ridday xukunno kala duwan.

Waxaa iyana jirtay hooyo xaafad joog ah oo dhammaysatay shuruudihii xubinnimada ee kusoo biirista sirdoonka, kana mid ahayd dharcad tababar loo diyaarinayay. Hooyadani markii ay akhrisay warqadihii laga rabay inay saxiixdo, ayay mid kamid ah xafiiskii ay ku saxiixi lahayd soo gashay, waxayna ugu tagtay wiilkeeda oo sugaya inuu ka saxiixo warqadda, taasoo yaab ku noqotay hooyadii, laakiin wiilka waxaa loo sheegay isla maalintaas hal saac ka hor in dadka liiskooda loo soo gudbiyey ay kamid tahay hooyadiis, taasoo laftiisa farxad galisay oo ah in hooyadiis oo aan shaqadiisa waxba kala socon ay waddo sharci ah ku ogaatay meesha uu ka shaqeeyo wiilkeeda.

Horumarka adeegga NISA, waxaa lafdhabar u ah Shacabka qaybihiisa kala duwan, oo qaarkood waddamo kala duwan ku nool yihiin, kuwaas oo sabab u noqday guulo waaweyn oo uu gaaray sirdoonkeenna. Sidoo kale, dunida oo dhan waxay isla qirsantahay, in sirdoonku uu hadafkiisa gaari karo marka uu haysto Madaxweyne hagaya oo leh qorshe qaran oo fogaan arag ku qotomaa,

waana sababta uu Madaxweyne Farmaajo marwalba rafiiq iyo wadaay ugu noqday Ciidamada Qalabka sida ee Qaranka Soomaaliyeed.

Waan hubaal in hammiga ummadda Soomaaliyeed ee ku aaddan helitaanka dawlad cago adag ku taagan ay qayb ka tahay horumarinta iyo tayaynta laamaha amaanka iyo sirdoonka qaranka. Waxa kale oo hubaal ah in Shacabka Soomaaliyeed ay ku farxayaan kor u qaadidda awoodda iyo jiritaanka nabadsugidda iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed.

Marka aad wanaag fasho, niyad sami la timaaddo, dad aqoon iyo xirfad u lehna hawsha la kaashato, waxaad filanaysaa natiijo wanaagsan oo waxtar uleh qarankaaga.

About The Author