Kooxda Qardho City oo kaalinta 2aad ka gashay Tartanka Ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Afrika

76b

31 May 2015 (Puntlandes)- Kooxda Degmadda Qardho ee Puntland oo ka qeyb galaysay tartanka kubadda Koleyga ee Magaalooyinka Bariga iyo Bartamaha Afrika ayaa gashay Kaalinta 2aad ka dib markii ay Kooxda Qaahir City ee dalka Masar ka badisay. Ciyaartan finalka ahayd ayaa Kooxda Qardho City ay keentay 56 halka ay guushu ku raacday  Kooxda Qaahira oo keentay 76.

Kooxda Qardho waxa ay noqtay Kooxda labaad ee Magaalooyinka ka qeyb galaya tartankan, Waxaa xusid mudan inay sanadkii hore ay kaalinta labaad gashay Caasimada Puntland ee Garowe.

Dhanka kalena, Gudoomiyaha Kooxda Qardho City Cabdirashiid Bakin ayaa u sheegay Warbaahinta in ay farxad u tahay in kaalinta 2aad ay gaaraan, waxa uuna tilaamay in sanadka dambe 2016 magaaladda Bosaaso ay ka qeyb geli doonto, isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyey in Kooxda Bosaaso qaadi doonto Koobka hadii Alle idmo.

Puntlandes.com

About The Author