{"id":10159,"date":"2015-06-19T19:29:09","date_gmt":"2015-06-19T17:29:09","guid":{"rendered":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=10159"},"modified":"2015-06-19T19:42:12","modified_gmt":"2015-06-19T17:42:12","slug":"xog-wasiirkii-hore-waxbarashada-pl-oo-looga-yeeray-gaalkacyo","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=10159","title":{"rendered":"XOG: Wasiirkii hore ee Waxbarashada PL oo looga yeeray Gaalkacyo, yaa u yeeray?"},"content":{"rendered":"<p>19 jun 2015 (Puntlandes)\u00a0Wasiirkii hore Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Cali Xaaji Warsame ayaa sida ay Warbaahinta Puntlandes ogaatay waxaa\u00a0looga yeeray magaalada Gaalkacyo, iyadoo ay u yeereen Kooxda uu Hogaamiyo\u00a0Maxamuud Cali Yusuf\u00a0<strong>Gaadayare. <\/strong>Kooxdan oo walwal uu la soo darsay waqtiyadii dambe ayaa waxay ka walwalsan tahay in laga qaado Isbaarada Gobolka Mudug iyo xaruntiisa u taala.<\/p>\n<figure id=\"attachment_10161\" aria-describedby=\"caption-attachment-10161\" style=\"width: 658px\" class=\"wp-caption aligncenter\"><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2015\/06\/136b.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"wp-image-10161 size-full\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2015\/06\/136b.png\" alt=\"136b\" width=\"658\" height=\"374\" \/><\/a><figcaption id=\"caption-attachment-10161\" class=\"wp-caption-text\">Bidic: Dhagaweyne &amp; GAADAYARE<\/figcaption><\/figure>\n<p>Kooxdan waxaa xukuma Maxamuud Cali Yusuf\u00a0<strong>Gaadayare\u00a0<\/strong>oo ku magacaaban Agaasimaha Idman ee Wasaarada Maaliyada ee Gobolka Mudug laga soo bilaabo desember 1999 kii (16 sano ayuu xilka hayaa) laakiin ah <strong>Di Facto<\/strong> ninka xukuma Gobolka Mudug iyo xaruntiisa Gaalkacyo. Mr Gaadayare waxaa ku xiga\u00a0Siciid Cabdiraxmaan Yuusuf<strong>\u00a0<\/strong>\u00a0<strong>Dhagaweyne<\/strong> oo ku magacaaban Maareeyaha Abdulahi Yusuf Airport laga soo bilaabo may 1991 dii (25 sano ayuu xilka hayaa) ahna ninka labaad ee Gobolka Mudug iyo xaruntiisa Gaalkacyo.<\/p>\n<p>Kooxdan waxaa la soo darsay Seexan waa todobaadyadii dambe kadib markii ay soo baxday inuu Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas qorshaynayo inuu xilka ka xayuubiyo KOOXDAN ay la tahay inay iyagu Gobolka Mudug leeyihiin. Madaxweynaha ayaa wuxuu yiri maruu arrintan ka hadlayey Mas&#8217;uul geed meel ka baxay ah ma jiro waana la bedelayaa kii loo arko inay lagama maarnaan tahay.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Shacabka Gobolka Mudug oo ah dad aad iyo aad dawladnimada u jecel ayaa waxay sugayeen inay timaado maalin Kooxdan lag hor dhaqaajyo, iyagoo ogsoon inay Kooxdani Isbaaro u dhigatay Horumarkii Gobolka Mudug gaari lahaa iskana horkeenay dadka walaalaha ah ee Gobolka Mudug.<\/p>\n<p>Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in Kooxdan ay qabanayeen\u00a0shirar ay Taageerayaashooda ku kicinayeen waqtiyadii u dambeeyey, ayaa waxay ka dalbadeen\u00a0Wasiirkii hore Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Cali Xaaji Warsame inuu Safarkiisa Dibada uu ku marayey\u00a0soo gaabiyo deg degna ku yimaado Gaalkacyo iyagoo qorsheeyey inay shir kicin iyo abaabul ah ku Qabtaan sidii Caadada u ahayd Tuulada GODOD si ay uga hortagaan inay lumiyaan Isbaarada u taala Gobolka Mudug iyo xaruntiisa Gaalkacyo.\u00a0Cali Xaaji waa uu ka aqbalay wuxuuna hada ku sii jeedaa Gaalkacyo si uu uga gudbo Tuulada GODOD.<\/p>\n<h3><strong>Wasiirka Deegaanka Cali Cabdullaahi Warsame<\/strong><\/h3>\n<p><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2015\/06\/131c.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-10050\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2015\/06\/131c-300x225.jpg\" alt=\"131c\" width=\"300\" height=\"225\" \/><\/a><\/p>\n<p>Kooxdan iyo Taageerayaashoodu waxay saareen cadaadis Xun Wasiirka Deegaanka Cali Cabdullaahi Warsame oo dhawaan uu madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu magacaabay iyagoo ku cadaadiniya inuusan qaadan Xilkaas loo magacaabay. Waxay kaloo dadka ku kicinayaan waxaa lagu xadgudbay 4,5 tii ay Beelaha Puntland wax ku qaybsan jireen. Waxay kaloo doodooda ku darayaan inuu madaxweyne GAAS meel uga dhacay Gobolka Mudug isagoo xaqiray saamigii Gaalkacyo waa siday hadalka u dhigayaane.<\/p>\n<p>Mr Gaadayare iyo Dhagawayne waxay\u00a0ka soo jeedaa jifo Beelaha Cumar Maxamuud ka tirsan haddii beelo laga hadlayo, Beesha Cumar Maxamuudna waxaa ka soo jeeda madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas (Affeef waa haddii beelo laga hadlayo), hadaba maxay tahay 4,5 ta la sheegayo? maxay tahay Gaalkacyada uu Gaas ku xadgudbay? Maxay ku xun tahay\u00a0Wasaarada\u00a0Deegaanka oo\u00a0wasiirka loogu cadaadinayaa inuusan qaadan?<\/p>\n<p>Isku soo duuboo waxaa cad inay maalmo koobani u hartay Isbaaradii Mudug u taalay <strong>Kooxda Gaadayare<\/strong> ayna ku jiraan rafashadii ugu dambaysay, waxaan oo dhamina ay yihiin Kooxda Gaadare oo Boor isku qarinaysa, iskuna dayeysa inay badbaadsadaan ISBAARADOODA.<\/p>\n<p>Xafiiska gaalkacyo ee Puntlandes<\/p>\n<p>Puntlandes.com<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>19 jun 2015 (Puntlandes)\u00a0Wasiirkii hore Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Cali Xaaji Warsame ayaa&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-10159","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-okategoriserade"],"views":1646,"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/10159","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=10159"}],"version-history":[{"count":3,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/10159\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":10164,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/10159\/revisions\/10164"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=10159"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=10159"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=10159"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}