{"id":10236,"date":"2015-06-22T17:56:35","date_gmt":"2015-06-22T15:56:35","guid":{"rendered":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=10236"},"modified":"2015-06-22T17:56:35","modified_gmt":"2015-06-22T15:56:35","slug":"afhayeenkii-xukuumadda-dfs-oo-is-casilay","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=10236","title":{"rendered":"Afhayeenkii Xukuumadda DFS oo is casilay"},"content":{"rendered":"<p><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2015\/06\/151c.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"  wp-image-10237 aligncenter\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2015\/06\/151c-300x209.jpg\" alt=\"151c\" width=\"456\" height=\"318\" \/><\/a><\/p>\n<p>22 jun 2015 (Puntlandes) <strong>\u00a0<\/strong>Afhayeenkii Xukuumada DFS Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa maanta ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkaasi, wuxuuna warkaan ku sheegay qoraal uu soo saaray oo u qornaasidan.<\/p>\n<p>Maanta oo ay taariikhdu tahay 22\/06\/2015, waxaan si rasmi ah ugu\u00a0dhawaaqay inaan iska casilay xilkii aan u hayey Qaranka Soomaaliyeed\u00a0labadii sano ee la soo dhaafay ee ahaa Afhayeenka Xukuumadda\u00a0Federaalka Soomaaliya iyo La-taliyaha Warfaafinta ee Ra\u2019iisul\u00a0Wasaaraha, anigoo warqaddii istiqaalada u gudbiyey Ra\u2019iisul Wasaare\u00a0Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Runtii, sharaf weyn ayey ii ahayd\u00a0inaan mudadaasi u soo shaqeeyo dalkayga, xilligan oo dalku marayo\u00a0duruufo adag oo aan rajaynayo in qaranku ka gudbi doono.<\/p>\n<p>Sababta xilkan aan uga tegay waa mid aniga ii gaar ah. Laakiin,\u00a0waxaan ummadda Soomaaliyeed u caddaynayaa inaan mar walba u taagnaan\u00a0doono ka shaqaynta dhismaha qaran Soomaaliyeed iyo u-adeegidda dalka\u00a0iyo dadka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Mudadii aan sida dhow ula shaqaynayey Xukuumadihii kala duwanaa ee ay\u00a0Ra\u2019iisul Wasaarayaasha ka ahaayeen Mudane Cabdi Faarax Shirdoon,\u00a0Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Mudane Cumar Cabdirashiid Cali\u00a0Sharmaarke, waxaa jiray horumaro la taaban karo oo loo qaaday dhinaca\u00a0wanaagsan. Dhinacyada uu dalku horumarka ka sameeyey waxaa ka mid ah\u00a0siyaasadda, amniga, arrimaha bulshada, dhaqaalaha iyo maalgashiga.<\/p>\n<p>Inkastoo aan sheegay horumaradaasi, waxaa hadana jira caqabado wiiqaya\u00a0taabbagalka guulahaasi la xaqiijiyey, haddii aanay hoggaanka dalka iyo\u00a0shacabkuba iska kaashan arrimaha ay ka mid yihiin xoojinta midnimada<br \/>\ndadka Soomaaliyeed, ilaalinta xasiloonida siyaasadda, dhiirrigelinta\u00a0dib-u-heshiisiinta, adkaynta caddaaladda iyo la dagaalanka\u00a0musuqmaasuqa, dhismaha iyo tayeynta hay\u2019adaha Dawladda iyo ilaalinta\u00a0xuquuqda shaqaalaha rayidka ah iyo ciidamada iyo weliba abuuritaanka\u00a0fursado shaqo oo ay helaan dhalinyarada Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Soomaaliya waxay ku socotaa jidka horumarka, dimuquraadiyadda iyo\u00a0dib-u-dhiska, laakiin si loo xaqiijiyo hiigsiga siyaasadeed iyo\u00a0himlooyinka shacabka Soomaaliyeed waxaa loo baahan yahay in madaxdu ay ka dhababeeyaan go\u2019aanka dalka lagu gaarsiinayo doorashooyin xor ah si\u00a0awoodda dib loogu celiyo shacabka Soomaaliyeed, oo iyagu ay soo\u00a0doortaan cidda hoggaaminaysa ama wakiilka uga noqoneysa siyaasadda\u00a0dalka.<\/p>\n<p>Doorashooyin xor ah oo la gaaro iyo talada oo ay shacabku\u00a0yeeshaan, waxay horseedaysaa in la helo madax karti leh iyo in laga\u00a0gudbo nidaamka qabyaaladeed ee dalka ka jira oo aanu arko mid\u00a0fashilmay oo aan u adeegayn dhismaha qaran Soomaaliyeed iyo masaalixda\u00a0ummaddeena.<\/p>\n<p>Intaa markaan ka gudbo, waxaan doonayaa inaan halkan si qalbi furan\u00a0ugu mahadceliyo madaxdii, hawlwadeendii iyo bahda warbaahinta oo\u00a0dhammaantood xiriir iyo wada shaqayn wanaagsan na dhex maray mudadii\u00a0aan xafiiska joogay. Waxaa kaloo aan u mahadcelinayaa qoyskayga iyo\u00a0saaxiibo badan oo igu dhiirigaliyay in aan qabto shaqadan oo dad\u00a0badani ay khatar inteeda le\u2019eg ay u arkayeen.<\/p>\n<p>Puntlandes.com<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>22 jun 2015 (Puntlandes) \u00a0Afhayeenkii Xukuumada DFS Ridwaan Xaaji Cabdiwali ayaa maanta ku dhawaaqay inuu&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-10236","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-okategoriserade"],"views":1332,"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/10236","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=10236"}],"version-history":[{"count":1,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/10236\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":10238,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/10236\/revisions\/10238"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=10236"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=10236"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=10236"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}