{"id":1026,"date":"2014-07-29T20:11:39","date_gmt":"2014-07-29T18:11:39","guid":{"rendered":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=1026"},"modified":"2014-07-29T22:36:07","modified_gmt":"2014-07-29T20:36:07","slug":"qualityga-dadka-maanta-puntland-u-taliya","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=1026","title":{"rendered":"Quality:ga Dadka maanta Puntland u taliya"},"content":{"rendered":"<p>Waxaa soomalida ku dhaqan daafaha caalamku ka sheekaystaan isbedelkii waynaa ee ka dhacay Puntland laga soo bilaabo 8 January 2014. Waxaa loo hanwaynaa rag badan oo aqoon loo tirinayey oo isa soo sharaxay iyadoo waliiba dawladdii horey ujoogtayna aanay iyada laftigeedu dab yar shidayn xaga aqoonta (tusaale \u00a0Cabtiraxamaan faroole wuxuu haystay PhD, xukuumadana waxaa ka buuxay wasiiro badan oo taas oo kale haysta ). Marka taa laga duulo waxay dad badani filayeen in wixii usoo baxaaba\u00a0 uu noqonayo guul aad u wayn, allah baa wayne.<\/p>\n<p>Dawladdii hore xukuumad iyo hay,ado kaleba waxay qabteen wax muuqda oo lataaban karo. Waxay waliba ku darsadeen difaaca danaha Puntland, marka laga reebo hal meel oo ahayd qaybo kamid ah gobolka Sool. Waxay laakiin ku fara adaygeen intii ay u yimaadeen, waxayna mar walba tilmaami jireen in ay inta dhimanna soo celin lahaayeen laakiin ay caqab xoogle ku noqdeen Garaad Jaamac Garaad Cali iyo koox uu kamid yahay Cali Khaliif oo u dhashay Gobolka, marna sameeyey SSC marna Khaatumo oo bixiyey ereyo aan hore loo aqoon ah cadawga labada dhinac, laakiin markii danbe la ogaaday in ay sheekadu ahayd ka jar oo ku dar. Taas oo ka dhigan, duukh ninkii lahaa dabada hayyo cidina ma kicin kadho.<\/p>\n<p><strong>Hadaba maxaa dhacay? <\/strong><\/p>\n<p>Waa tii la ogaa oo doorashadii one man one vote:ka ahayd ay ka, hor yimaadeen Dr Gaas iyo koox aan ka xusi karno lataliyihiisa dhinaca amniga Cabdulaahi siciid samatar iyo Maxamed cali Yuusuf (Gaagaab) oo isagana aan u malaynayo in uu yahay \u00a0lataliye qarsoon iyo waliba koox iyagu markaa dana gaar ah lahaa (hada xusuuso in inta xabad sheekadu gaartay oo dad la laayey uu Madaxwaynihii markaas jirey Cabdiraxmaan Faroole\u00a0 qaatay Go,aan\u00a0 geesinimo ahaa oo uu ku joojiyey doorashadi dadka puntland ay qof qof ugu ridi lahaayeen ciday doonaan si dadka inta nool loo badbaadiyo)<\/p>\n<p>Waa tii qaar kamid ah issimadu ay mid mid isugu qabsadeen soo xuliddi baarlamaanka (ogoow isku qabsigaasi hore umuusan jirin). Taasi waxay keentay isbedelka maanta Puntland ka hirgalay. Hadda dib u xusuuso in khudbadii maalintii dhaway uu Dr Gaas baarlamaanka horjeediyey in wax qabadkiisa uu kudarsaday, \u00a0ka qaybgalka caano shub issin.<\/p>\n<p><strong>Baarlamaanka Puntland. <\/strong><\/p>\n<p>Bal wax kaloo laga filo ha joogtee iyagii baa suuqa iska mari l,a oo isku maagaya. Maanta ayaa waxaa jaraaidka iyo idaacadaha oo dhan tabiyeen in xildhibaan la yiraahdo Nuuradiin Cabdirashiid \u00a0iyo mid kale oo la yiraahdo Siciid Cagool, isku laayeen suuqa Garoowe\u00a0 bartakiisa. Tani waa arin ugub ah, kana bixinaysa tilmaan cad Quality:ga dadka meesha la keensaday oo Qaar ka mida Issimadu ay ugusoo dagaalameen in ay danahooda u fuliyaan. Tusaalooyinka ugu muhiimsani waa fantasiyihii ka dhacay Qardho oo talevision:da oo dhami sidda tooska ah u baahinayeen iyo dadkii wadamada deriska ah iyo koonfurta iyo waqooyiga soomaliya dhan diyaardaha loogasa daabulay. Aad baan uga xumahay masibada Puntland ku habsatay.<\/p>\n<p><strong>Police:ka<\/strong><\/p>\n<p>Hab Dhaqankoodu waa, hab dhaqanka geeljiraha oo kale. Waxaa geeljiraha caado u ah marka ay caanaha geela ka dhergaan bay maagaan cid alaale cidii\u00a0 ka hor timaada. Qofka ay maagayaani ama wax ha ka sameeyo ama yuusan ka samaynine. Xataa haday ka baqaan cidaa ay rabaan in ay maagaan iskama daayaane \u00a0waa tijaabiyaane oo waxay yiraah daan \u201d war yaa ma ila legdemaysaa? \u201d Goortay arkaan in ay leg,deen bay marka gawda kasaaraan.<\/p>\n<p>Iyagu waa Police:ke waa la amraa oo sidii qormooyin hore loogu soo qaatayba, waxaa amra wiilal yaryar oo ama madaxtooyada qaraaba la ah ama xiriir la leh. Markaas bay ayagoon is waydiin maxay shuruucda Dalku ka qabtaa arintaas,\u00a0 bay inta ordaan iska soo qabtaan dadka loo diray. Mar marka qaarna cidday arkaan bay dalaq kusiiyaan xabsiga.\u00a0 Ileen waxay arkeen in sidii geeljirihii caanaha ka dhergey in ay ka awood badan yihiin ( ileen canshuurtii umadaa inta hub loogu iibshey, baabuur toban toban loo saaraye). Hadaad tiraahdid war soo sharciga raaci maysid, waxaa laga yaabaa in ayanba aqoon wax uu yahay. Tusaale ahaan anoo soo xiganaya wararka laga qoray in ay xildhibaan xireen waxaa\u00a0 loo sheegay Taliye xigeenka Police:ka puntland in uu ninkan uu xirtay xildhibaan yahay marka hadii uu aqoon lahaa sharciga ma xiri lahaa? Oo laakiin waxaa is waydiin mudan, taliye xigeen ciidani ma in uu dadka jidadka ka qab qabtaa? Aaway dadkii lahaa shaqadaas? Waa waxa loo waayey police tayo leh, oo maxaad ka sugaysaa halka madaxdoodii ay jidadka ama local police station:ada ay ayagu joogaan. Sow xaajadu noqon mayso hadba meel uyaac?<\/p>\n<p><strong>Madaxwaynaha <\/strong><\/p>\n<p>Isaga quality:giisa ummada oo dhanbaa ayaantaan oo dhan ka sheekeynaysay \u00a0oo waxaan u daynayaa sharaxaadii ugu dambaysey ee Maxamuud togane kabixiyeyey (<a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=956\">ka daalaco <\/a>websideka \u00a0Puntlandes). Laakiin waxaan rabaa in aan wax yar kasoo qaato is khilaafka hadalkiisa iyo dhaqankiisa iyo waliba is khilaafka hadalkiisa oo kaliya. Sidda lala wada socdo wuxuu usbuucii tagay hor tagay Barlamaanka oo waydiiyey su,aalo.<\/p>\n<p>Mar uu ka jawaabayey su,aal ku saabsanayd dastuuka iyo federal:ka.<\/p>\n<p>Ayuu wuxuu yiri ileen fulay xantiisa ma moogee ( isagoo og in dawladii hore ku ad adkayd sharciga iyo difaacida danaha Puntland) buu yiri \u201d Hadii dawladii iga horeysey aysan danaha\u00a0 iyo masiirka Puntland gorgortan ka keli jirin tayduna ka galimayso\u201d bal eeg iyadoo aan daqiiqad ka soo wareegin\u00a0 buu yiri \u201dwaxaa dastuurka masuul ka ah Baarlamaanka Soomaalia iyagaa waxay rabaana kabedelin waxayrabaana kusoo kordhin kara\u201d\u00a0 waxaad moodaa in uuba taarikha Puntland:ba si uga dhacsan yahay. Marka lawaydiiyo xiriirkii go,naa ee puntland iyo Federalka waxa iska bedelay, wuxuu yiraahdaa mar waa go,an yahay iyadoo xataa wasiir federaalka katirsan oo shir Garoowe ku qabtay la, taagan yahay \u00a0oo markii Camera:dii iyo micraphone:kii isaga loo dhiibay ku jawaabay \u201dma ogi xiriir go,an\u00a0\u00a0 oo soow tan aan wada joogno oo wada shaqaynayno\u201d.<\/p>\n<p>Mararka qaar wuxuu ku jawaabaa hadal heehaab ah oo aan meella haysan oo ah sidaan \u00a0innaga iyo dawladda dhexe!!! Kala qoqobnaanta wax baa inooga halaabaya, marka in saxaafada wax laysu mariyo mahaboona ee waa in lawada shaqeeyaa (oo yaa diiday taa?? Ma Puntland misse nimankan xamar joogaa wax walba ganafka ku dhuftay). Mar wuxuu ku jawaabaa gudi wasiiro ah baan u saarray oo iyagaa talo ka soo soosaaraya, waa \u00a0iyadoo aan la magacaabin cida ay yihiin, <strong>hadda xusuusnow in Puntland ay noqotay sidii halaq mareenkii oo kale<\/strong>, oo isla shaqayntii ayba caadi iska tahay oo wasiiradeenu Xamar maalin walba taagan yihiin oo wasiirkii Xanaanad Xoolaha\u00a0Federalku booqasho dheer ku yimid Puntland. Haddana wuu badeley sababtii uu ku sheegay in loo sameeyey gudigii marinhabaabinta\u00a0ahaa ee uu sheegay inuu u saaray, \u00a0ka soo talo bixinta waxa sababay go,idda xiriirka Puntland iyo federal:ka, wuxuuna u bedelay mar TV:ga somali Channel uu waydiiyey arrintaas, wuxuu u bedelay in gudigu uu yayah mid wada xaajood oo wuxuu ku jawaabay \u201dannaga dhinacayaga waa naga diyaar oo markii ay iyyagu soo diyaar garoobaan baan arkaynaa\u201d taa kaddaloco waraysigii uu siiyey Somali channel intii uusan kadhoofin Boosaaso. Waxaa la is waydiinayaa maxaa si ah? Maxaa hadalkiisa ka dhigay mid aan mid haysan maxaase hadal kiisa iyo dhaqankiisa kadhigay mid is dhaafsan.<\/p>\n<p><strong>Madax wayne kuxugeenka iyo gudoomiha baarlamanka <\/strong><\/p>\n<p>Waxaa layiri kab ninkaad ka tolonaysid, \u00a0kuwiisaa la eegaa. Iyada quality: gooda waxaa laga garanayaa sida ay ula macaamilayaan quality:yada aan kor kusoo xusnay. Aamusnaanta iyo ku dhex jirka waxaan ay cid waliba arkayso oo ay umadii yaabka ammakaaga la argegaxsantahay, \u00a0baa ka turjumaysa sida ay iyana yihiin,\u00a0 ileen waa tii hore looyiri \u201dwaxaasaayaa! Ficil la,aan baa loo cadaabaa\u201d.<\/p>\n<p><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2014\/07\/195.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-643\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2014\/07\/195.jpg\" alt=\"195\" width=\"233\" height=\"300\" \/><\/a><\/p>\n<p style=\"color: #454545;\">W\/Q: Maxamed Saliid Calisamey<\/p>\n<p style=\"color: #454545;\"><strong style=\"font-weight: bold; font-style: inherit;\">Email:\u00a0<\/strong><a style=\"font-weight: inherit; font-style: inherit; color: #00a2d8;\" href=\"mailto:mxsaliid@gmail.com\">mxsaliid@gmail.com<\/a><\/p>\n<p style=\"color: #454545;\"><strong style=\"font-weight: bold; font-style: inherit;\">Puntlandes.com<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Waxaa soomalida ku dhaqan daafaha caalamku ka sheekaystaan isbedelkii waynaa ee ka dhacay Puntland laga&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-1026","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-okategoriserade"],"views":2434,"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1026","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=1026"}],"version-history":[{"count":9,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1026\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1042,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/1026\/revisions\/1042"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=1026"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=1026"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=1026"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}