{"id":13585,"date":"2015-10-30T19:57:08","date_gmt":"2015-10-30T18:57:08","guid":{"rendered":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=13585"},"modified":"2015-10-30T19:57:08","modified_gmt":"2015-10-30T18:57:08","slug":"inaan-xiinka-weelasha-lala-hoos-roorayo-cidi-ka-cabayn-waa-arkayay","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=13585","title":{"rendered":"Inaan Xiinka weelasha lala hoos roorayo Cidi ka cabayn waa arkayay"},"content":{"rendered":"<p>Waa dhacdo iska caadi noqotay gaar ahaan Geyiga Soomaalidu degto, waa marnaba aan ceeb ahayn dib u dhaca iyo is fahan waaga, duco iyo qayb bay u heleen qooyska Soomaalidu, Isuma Macinaan, Isuma ooyaan Mana kala Guuraan.<\/p>\n<p>Akhriste Qoraalkaan waxaan isku dayi doonaa inaan ku cabiro aragtidayda ku aadan waxaan filyay Afar sano kahor iyo Natiijadii iiga soo baxday Filitaankii, Xiligii la doortay Madaxwayne Xasan Shiikh Maxamud 2012<sup>kii<\/sup>\u00a0 Qorshayaashii lama dhaafaanka ahaa ee dawlada uu hogaaminayo ay qalinka ku adkaysay waxay ahayd dhisitaanka iyo hirgalinta Nidaamka Axsaabta iyo in 2016 wadanka ay ka dhici doonto doorasho Madax Banaan oo Qof iyo codkiis ah, hadaba Balantii Madaxwayana iyo Jaallayaashiisa Golaha Baarlamaanku waxay noqotay Hal bacaad lagu lisay, taas oo macnaheedu yahay Fashil ku yimid hanaankii Geeddi socodka Siyaasadii curdanka ahayd ee la doonayay in laga miro dhaliyo.<\/p>\n<p>Mudadii Madaxwayn Xassan Shiikh iyo Jaallayaashiisa Golaha Baarlamaanku ay wadanka Shukaanta u hayeen waxay ka mid ahayd waqtiyadii khilaafka Siyaasadeed ee ugu badan uu wadanka hareeyay, waxaa jiray is jiidjiidad badan iyo been abuur fara badan oo lagu sameeyay Xeerkii Federaalka ee loo baahnaa in lagu socdo maadama isagu yahay midka wadanka loo dejiyey. Jilaafooyinka ugu tirade badan iyo Dabinnada ugu qalafsan waxay ka imaanayay dhanka Dawlada iyo Madaxda ugu saraysa ilaa ay gaartay Dowladu in Maamulada qaar ay lasafato.<\/p>\n<p>Hogaan xumuada iyo fashilka cududda Dawladeed waxaa keena Aragti gaabnida Madaxda iyo waliba cadaalad darada, labad arimoodba waxaa lagu arkay laguna Bartay madaxda ugu saraysa Dowlada haatan Xilka haysa. Waxaa si kordhay baaxada Musuqmaasuqa iyo Weerarada lagu qaado xarumaha dowlada iyo kuwa ciidamada, waxaa iyana aan kala go\u2019 yeelan Weerarada sida gaarka ah loola beegsado Siyaasiyiinta iyo madaxda dowlada ka tirsan, dhamaan wax yaalahaas waxay muujinayaan Hogaan xumada wadanka ka jirta iyo Sida aan Wali Soomaalidu ugu Bislaan inay Fahmaan cidda Hogaamin karta.ugu dambayntii waxaa dowladii ku dhacday sidatan.<\/p>\n<p>Waqtiga haatan aan joogno waxaa magaalada Muqdisho lagu qabanayaa Shir, shirkaas waxaa la rabay inay kasoo qayb galaan dhamaan Qaybaha siyaasada iyo maamulada wadanka ka jira, Nasiib darase waxaa kaliya oo kasoo qayb galay Maamul iyo Maamul barkii, waxay arintaan Marag u tahay Guuldarada uu wadanka ku tilaabsaday waxaana hooyo iyo aabe u ah Madaxwayne Xassan Shiikh.<\/p>\n<p><strong>Waadiga isdooxayo<\/strong><\/p>\n<p><strong>Midi daabka haystoo<\/strong><\/p>\n<p><strong>Baddu kula daygaysoo<\/strong><\/p>\n<p><strong>Dabin baad is galisoo<\/strong><\/p>\n<p><strong>Cid kuu maciintiyo<\/strong><\/p>\n<p><strong>dabaal aad taqaaniyo<\/strong><\/p>\n<p><strong>Wiish kuma dalacayee<\/strong><\/p>\n<p><strong>Awr dabar la\u2019aan dhacay<\/strong><\/p>\n<p><strong>Waxaa cuna Dhurwaagee<\/strong><\/p>\n<p><strong>Dhab u fiirso dhab<\/strong><\/p>\n<p><strong>Ha degdegani daydayo<\/strong><\/p>\n<p><strong>Danta lagama\u00a0 boodee<\/strong><\/p>\n<p><strong>Didii aad uqowdaa<\/strong><\/p>\n<p><strong>Dubkaagii gabooboo<\/strong><\/p>\n<p><strong>Dibjirbaan ku moodee<\/strong><\/p>\n<p><strong>Daa adiga daleediyo<\/strong><\/p>\n<p><strong>Dooxyada fariistee<\/strong><\/p>\n<p><strong>Dadka kaad la socotiyo<\/strong><\/p>\n<p><strong>deriskaagi nacayee<\/strong><\/p>\n<p><strong>\u00a0<\/strong><\/p>\n<p><strong>Waxaan Rajaynayaa in Dowladaha dambe ay ka feejignaan doonaan nin jeclaysiga iyo in Soomaalida ay kala googooyaan ama Qabiilkii daashaday ay dib ugu celiyaan sida had dawladaani samaysayna aan la samayn doonin<\/strong><\/p>\n<p><strong>\u00a0<\/strong><\/p>\n<p><strong>W\/Q: Bashiir Cumar Warsame<\/strong><\/p>\n<p><strong>Email: <a href=\"mailto:bashiirc@gmail.com\">bashiirc@gmail.com<\/a><\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Waa dhacdo iska caadi noqotay gaar ahaan Geyiga Soomaalidu degto, waa marnaba aan ceeb ahayn&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-13585","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-okategoriserade"],"views":1769,"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13585","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=13585"}],"version-history":[{"count":1,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13585\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":13587,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/13585\/revisions\/13587"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=13585"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=13585"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=13585"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}