{"id":14159,"date":"2015-11-14T20:43:48","date_gmt":"2015-11-14T19:43:48","guid":{"rendered":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=14159"},"modified":"2015-11-14T22:23:39","modified_gmt":"2015-11-14T21:23:39","slug":"maqaal-soomaaliya-dulmi-gargaarku-dullinimo-buu-kuu-keenaa","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=14159","title":{"rendered":"Maqaal-Soomaaliya: Dulmi Gargaarku, dullinimo buu kuu keenaa"},"content":{"rendered":"<p>Usbuucii lasoo dhaafay waxaa Somaalidu aad u hadal haysey derbi la sheegay in ay Kenya ka dhisayso Beled Xaawo. Taas oo qiiro ka dhex abuurtay shacabka intiisa badan. Waxaa la arkayey abwaano, Saraakiil ciidan, Saxafiyiin, Fannaaniin intuba Tolla\u00b4ayeey ku haya oo ilmada qubaya. hooska daawo.<br \/>\n<iframe loading=\"lazy\" src=\"https:\/\/www.youtube.com\/embed\/RRa1flZaogk\" width=\"300\" height=\"200\" frameborder=\"0\" allowfullscreen=\"allowfullscreen\"><\/iframe><\/p>\n<p>Waxaan isweydiiyey, Ilmada qubanaysaa ma dhab iyo damqashaa, misse waa is yeelyeel iyo halagaa sheego?<\/p>\n<p><iframe loading=\"lazy\" src=\"https:\/\/www.youtube.com\/embed\/gP8HoE85QwM\" width=\"300\" height=\"200\" frameborder=\"0\" allowfullscreen=\"allowfullscreen\"><\/iframe><\/p>\n<p>Waxaa iisoo baxday. In aysan ahayn mid qalbiga jirta ee ay tahay uun kusooboodo iyo ficil celin ka dhalatay xaaladda deribiga kuna kooban maalintaas kaliya.\u00a0 Hadda ogow in xaalku caadi iska noqonayo wixii markaas ka danbeeya. Arrintu halkaas ku ekaan maysee waxaa hadana la arkidoonaa in berrina qolo kale meel kale qaadato. Hadana ilmadaa quban doonta, ilaa Soomaaliya, lawaayo, arrini waa sidaas.<\/p>\n<p>Aduunka waxaa ugu xun bulsho marka horena doorasho xun, oo qofka ay talada u dhiibanayaan uu yahay kan dadka ugu liita. Kuwaas oo misana ku taageera maamul xumida, boobka hantida dadweynaha, gumaysi kalkaalka iyo waliba damiir la\u00b4aanta.<\/p>\n<p>Waxaa iisoo baxday in aynu innagu, Soomaali hadaynu nahan, aan dadka ugu xunnahay.\u00a0 Maah maah baa waxay ahayd \u201cHashu iyadaa Geela cunaysa iyadaana cabaadaysa\u201d<\/p>\n<p>Marka aad eegto hab dhaqanka hogaanka Soomaalida ee 25 sano ee lasoo dhaafay, iyo taageerada sida hagar la\u00b4aanta ah ay shacabka uga helayeen, waxaad isweydiin su aasha ah, ma anaa waalan misse Cadan baa laga heesayaa?.<\/p>\n<p>Oo haddaad tuug qarisay, oo u ceeb qarisay oo aad dabooshay xumaha uu sameeyey. Oo haddaad dhiigyacab ku taageedhay dad masaakiin ah oo uu laayey, adigoo waliba siiyey darajo, illaah dad gooni ah ugu talagalay, darajadaas oo ah <strong>MUJAAHID<\/strong>!. Oo hadaad taageedhay musuqmaasuq. Oo hadaad taageedhay jabin wax kasta oo ay ummaddu ku heshiisey, sida Dastuur iyo wax kasta oo Soomaali la isugu soo dhaweynayey.<\/p>\n<p>Ma waxaad sugeyseen in ay wax idiin hagaagaan?<\/p>\n<p>Sow taasi lamid ma\u00b4aha, adigoo inta xabad Galleey ah beer ku ritey, sugaya in uu geed Cambe ah kaaga soo baxo.<\/p>\n<p>Sowtey Soomaalidu hore ugu maah maahday \u201cGaajo guri og iyo Gardarro garab og midna looma maaro helo\u201d.<\/p>\n<p>Nimankaan aynu waxaas\u00a0 oo xume ah, ku taageernay miyaa laga sugiyaa in ay Boohinta ina ka tiraan?<\/p>\n<p><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2015\/11\/153b.png\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"wp-image-14160 alignleft\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2015\/11\/153b.png\" alt=\"153b\" width=\"270\" height=\"180\" \/><\/a><\/p>\n<p>Aniga waxaa talo iga ah, in \u00a0inta ilmada aynu ceshano, haday dhab inaga \u00a0ahayd. Aynu, innagu dib isu eegno, oo dib isu xisaabino. Oo\u00a0 kala laabano taageerada kuwa xun, middaas bedelkeedana u hiilino xaqqa oo aan samir muujino. Markaas baan dhulkeena cadawga ka dhacsan karnaa, oo \u00a0dad jira oo xor ah ahaan karnaa.\u00a0 Laakiin waxaad ogaataan, inta illin beenaale la shubayo, hoostana dulmiga laga taageerayo, wallee dulli Soomaaliyi ka bixi mayso. Oo <strong>ogaada in aynu weli doorasho leenahay<\/strong>. Waxaan ka baqayaa in aan gaarno xilli aynaan inagu wax doorasho ah aynaan lahayn, oo sheekadu noqoto \u201c markaan tabar hayeyna talo ma hayn, hadoo aan talo hayana tabar ma hayo.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>W\/Q\u00a0Maxamed Saliid<\/p>\n<p><strong>Puntlandes.com<\/strong><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Usbuucii lasoo dhaafay waxaa Somaalidu aad u hadal haysey derbi la sheegay in ay Kenya&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-14159","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-okategoriserade"],"views":1458,"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14159","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=14159"}],"version-history":[{"count":4,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14159\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":14164,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/14159\/revisions\/14164"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=14159"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=14159"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=14159"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}