{"id":17929,"date":"2016-02-17T18:45:10","date_gmt":"2016-02-17T17:45:10","guid":{"rendered":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=17929"},"modified":"2016-02-17T18:49:10","modified_gmt":"2016-02-17T17:49:10","slug":"sawiromadaxweynaha-dawladda-puntland-oo-kulamo-muhim-ah-la-qaatay-madax-sare-oo-ka-tirsan-dawladda-itoobiya","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=17929","title":{"rendered":"Sawiro:Madaxweynaha Dawladda Puntland oo kulamo muhim ah la qaatay Madax sare oo ka tirsan Dawladda Itoobiya"},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay wehelinayaan Wasiirka Ganacsiga Dawladda Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle iyo Wakiilka Puntland ee Itoobiya Mahad Faaraax Gaas oo ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa maanta 17-Feb-2016 kulan la qaatay Wasiirka Kastamka iyo Cashuuraha Dawladda Federaalka\u00a0 Itoobiya, Madaxa Tamarta iyo Korontada Azeb Asnake iyo Taliyaha guud ee ciidanka Dawladda Federaalka Itoobiya General Getachew Assefa.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Masuuliyiintii ay kulanka wada qaateen ayaa kulankooda intiisa badan waxay uga wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirka \u00a0ganacsiga ee Puntland iyo Itoobiya iyo sidii Puntland ay uga faa\u2019iideysan lahayd tamarta iyo korontada uu hodonka ka yahay Waddanka Itoobiya.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale kala hadlay Masuuliyiintaasi sidii loo furi lahaa Kastamka u dhexeeya Puntland iyo Itoobiya ee Tuurdibi, isla markaana u sheegay in Puntland ay dhinaceeda soo dhammaystirtay dhammaan baahiyihii Kastamkaasi maadaama ay dhistay Saldhiggii Police-ka ee Kastamka, Bangigii,hoolashii kaydadka ganacsiga \u00a0lagu kala wareejin lahaa iyo Xarunta Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Puntland.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa sidoo kale u sheegay Mas\u2019uuliyiintii uu kulanka la qaatay in Dawladda Puntland ay soo dhistay Waddada u dhexaysa magaalada Gaalkacyo ilaa Tuurdibi, isla markaana \u00a0Dawladda Itoobiya u sheegay \u00a0in looga baahan yahay in ay dardar geliso dhineceeda si\u2019ay u sahlanaato isu socodka ganacsiga u kala gooshi doona Puntland iyo Itoobiya.<\/p>\n<p>Dhinaca kale wasiirka Kastamka Itoobiya ayaa sheegay in ay dhowaan kormeer ku tegi doonaan \u00a0Puntland Wasaaradda Kastamka, Wasaaradda Ganacsiga, Wasaaradda Gaadiidka, Police-ka\u00a0 iyo Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dawladda Federaalka Itoobiya \u00a0isla markaasina sugayaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo diyaarinaysa nidaamkii ay waftigani Puntland ugu amba-bixi lahaayeen.<\/p>\n<p>Sidoo kale Taliya guud ee ciidanka Police-ka Dawladda Federaalka Itoobiya General Getachew Assefa. ayaa kulanka kasheegay in Puntland iyo Itoobiya ay leeyihiin xiriir dhow oo dhinaca iskaashiga nabadgelyada ah, isagoona xusay in uu dhowaan kula kulmay Taliyaha guud ee Ciidanka Police-ka Puntland Generaal Cabdirisaaq Afguduud magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya isla markaana ay isla meel dhigeen in ay is dhaafsandoonaan \u00a0xogaha ku saabsan kooxaha nabad diidka iyo la dagaallanka argagixisada, wadashaqayn dhowna ay wada yeelan doonaan.<\/p>\n<p>Ugu dambayntii Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo Masuuliyiintii ka socdey Dawladda Itoobiya ayaa waxay isla Qaateen in la suubiyo siyaasad cad oo u dhexaysa Puntland iyo Itoobiya, taas oo qeexaysa sidii ay ugu wada shaqayn lahaayeen Puntland iyo Itoobiya dhinacyada Ganacsiga, sugidda \u00a0nabadgelyada iyo Laamaha Socdaalka ee labada dhinac.<br \/>\n<img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-68192\" src=\"http:\/\/www.sanaagpost.com\/spost\/wp-content\/uploads\/2016\/02\/2aa7aedb-77fe-423d-92ec-be8b26b50d26.jpg\" alt=\"2aa7aedb-77fe-423d-92ec-be8b26b50d26\" width=\"732\" height=\"547\" \/><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-68193\" src=\"http:\/\/www.sanaagpost.com\/spost\/wp-content\/uploads\/2016\/02\/942f0de2-035a-4a44-b8e8-5488aff36c5c.jpg\" alt=\"942f0de2-035a-4a44-b8e8-5488aff36c5c\" width=\"732\" height=\"547\" \/><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-68194\" src=\"http:\/\/www.sanaagpost.com\/spost\/wp-content\/uploads\/2016\/02\/b5ff108c-67d4-40af-892f-a249c34f9e4d.jpg\" alt=\"b5ff108c-67d4-40af-892f-a249c34f9e4d\" width=\"732\" height=\"547\" \/><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-68195\" src=\"http:\/\/www.sanaagpost.com\/spost\/wp-content\/uploads\/2016\/02\/c728a8cb-efda-4cb9-b200-752602a94e52.jpg\" alt=\"c728a8cb-efda-4cb9-b200-752602a94e52\" width=\"732\" height=\"547\" \/><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-68196\" src=\"http:\/\/www.sanaagpost.com\/spost\/wp-content\/uploads\/2016\/02\/d3a2a7e2-41ab-4d1e-868d-a2791de96f88.jpg\" alt=\"d3a2a7e2-41ab-4d1e-868d-a2791de96f88\" width=\"732\" height=\"547\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay wehelinayaan Wasiirka Ganacsiga Dawladda Puntland Cabdiweli&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":17930,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-17929","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-okategoriserade"],"views":1367,"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/17929","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=17929"}],"version-history":[{"count":1,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/17929\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":17931,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/17929\/revisions\/17931"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/17930"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=17929"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=17929"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=17929"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}