{"id":18466,"date":"2016-03-01T20:20:53","date_gmt":"2016-03-01T19:20:53","guid":{"rendered":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=18466"},"modified":"2016-03-01T20:21:49","modified_gmt":"2016-03-01T19:21:49","slug":"goaamo-ka-soo-baxay-dawlada-muqdisho-dfs","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=18466","title":{"rendered":"Akhriso Go\u2019aamo ka soo baxay dawlada Muqdisho (DFS) oo ku saabsaabsan Amiga Muqdisho"},"content":{"rendered":"<p>Shirkii Golaha Wasiirada ee aan caadiga ahayn ee socday saddexdii maalmood ee la soo dhaafay, oo uu shir guddoomiyey Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C\/rashiid Cali Sharmaarke, laguna Casuumay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo loogu kuur-geliyey xaaladda amni ee dalku hadda ku sugan yahay.<\/p>\n<p>Waxaa la isku raacay baahida loo qabo in hoos loo daadajiyo sugidda amniga dalka, sidii ay horeba u ahaan jirtey iyo in fursad loo siiyo Shacabka Soomaaliyeed in ay kaalin mugleh ka qaataan sugidda amniga, loona helo isla xisaabtan dhab ah,<strong>waxaana la go\u2019aamiyey;<\/strong><\/p>\n<p>1.Waxaa dajiyey qorshe dhamaystiran oo lagu sugayo amniga iyo nabad-gelyada guud ahaan dalka, gaar ahaana magaallo madaxda dalka ee Muqdisho.<\/p>\n<p>2.In Talisyada Ciidamadda Nabad gelyada ee Booliska iyo Nabad-sugidda ee heer gobol, fadhigooduna yahay Gobolka Banaadir (Muqdisho) ay si toos ah ula shaqeeyaan Maamulka Gobolka Banaadir, iyagoo ku howl galaya awaamiirta iyo tilmaamaha maamulku ku sugayo Nabad-gelyada iyo Amniga magaalo madaxda dalka ee Muqdisho.<\/p>\n<p>3.Si loo fuliyo qoshaha Nabadeynta iyo Xasalinta guud ahaan dalka, gaar ahaan Magaalo madaxda dalka ee Muqdisho, waxaa la mamnuucay;<\/p>\n<ul>\n<li>In Ciidan aan ka tirsanayn ciidanka loo qoondeeyey degmo kasta, aanay wax hub ah oo aan shaqo la og yahay ku jirin lala dhex-mari karin degmooyinka Gobolka Banaadir.<\/li>\n<li>In Ciidamadda ay wataan Wasiirada, Xildhibaanada iyo madaxda kale ee dawladda ay sitaan aqoonsi u gaar ah.<\/li>\n<li>In Ciidamadda iyo Hubka ay leeyihiin shirkadaha amniga ee gaarka loo leeyahay ay iska diiwaan geliyaan Wasaaadda Amniga Gudaha, haddii ay wax dhaq-dhaqaaqa sameynayaana ku wargeliyaan maamulka degmada ay ka baxayaan iyo degmada ay tagaaan.<\/li>\n<li>Guud ahaan dalka, waxaa reebay haysashada hub sharci darro ah oo aan ka diiwaan gashanayn Wasaaradda Amniga.<\/li>\n<li>Golaha Wasiirradu waxay isla garteen in dib-u-dejin loo sameeyo Barakacayaasha, iyadoo lala kaashanayo Hay\u2019adaha Caalamiga ah, si ay uga qeyb qaataan horumarka iyo Nabad-gelyada dalka.<\/li>\n<\/ul>\n<p><strong>Baaq<\/strong><\/p>\n<p>Waxaa loogu baaqayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, in ay taageeraan, gacanna ka geystaan qorshaha dawladdu ku sugeyso amniga iyo xasilinta dalka.<\/p>\n<p><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/214-6ee.jpg\" rel=\"attachment wp-att-18467\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-18467\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/214-6ee.jpg\" alt=\"214-6ee\" width=\"727\" height=\"485\" srcset=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/214-6ee.jpg 1024w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/214-6ee-300x200.jpg 300w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/214-6ee-768x512.jpg 768w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/214-6ee-292x195.jpg 292w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/214-6ee-638x426.jpg 638w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/214-6ee-60x40.jpg 60w\" sizes=\"auto, (max-width: 727px) 100vw, 727px\" \/><\/a> <a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/214-6ee1.jpg\" rel=\"attachment wp-att-18468\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-18468\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/214-6ee1.jpg\" alt=\"214-6ee1\" width=\"725\" height=\"483\" srcset=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/214-6ee1.jpg 1024w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/214-6ee1-300x200.jpg 300w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/214-6ee1-768x512.jpg 768w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/214-6ee1-292x195.jpg 292w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/214-6ee1-638x426.jpg 638w, http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/214-6ee1-60x40.jpg 60w\" sizes=\"auto, (max-width: 725px) 100vw, 725px\" \/><\/a><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Shirkii Golaha Wasiirada ee aan caadiga ahayn ee socday saddexdii maalmood ee la soo dhaafay,&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":18467,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-18466","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-okategoriserade"],"views":1274,"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/18466","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=18466"}],"version-history":[{"count":3,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/18466\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":18471,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/18466\/revisions\/18471"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/18467"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=18466"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=18466"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=18466"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}