{"id":18888,"date":"2016-03-14T21:51:58","date_gmt":"2016-03-14T20:51:58","guid":{"rendered":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=18888"},"modified":"2016-03-14T22:36:41","modified_gmt":"2016-03-14T21:36:41","slug":"xog-ciidamada-dhuumaalaysiga-garacad-kusoo-galay-farbaa-ku-godan-waana-goraygii-xudun-nagaadwayne","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=18888","title":{"rendered":"XOG: CIIDAMADA DHUUMAALAYSIGA GARACAD KUSOO GALAY FARBAA KU GODAN WAANA \u201dGORAYGII XUDUN &#038; NAGAADWAYNE\u201d"},"content":{"rendered":"<p style=\"text-align: center;\"><strong>DUULAAN QORSHAYSAN OO \u00a0MUDUG LAGU YAHAY<\/strong><\/p>\n<p>14 Marso 2016 (Puntlandes) \u00a0Maleyshiyo lagu sheegay Kooxda Alshabaab ayaa Qoraxdhicii maanta la wareegay magaalada Garacad ee degmada Jariiban ee Gobolka Mudug ee Puntland. Odoyaasha Garacad oo ka warbixinaya Qabsashada magaalada ayaa sheegay inay magaalada gudaha u galeen oo ay qabsadeen Ciidan badan oo gaaraya ilaa <strong>kun<\/strong> <strong>nin (1000)<\/strong>.<\/p>\n<p><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/158ab.png\" rel=\"attachment wp-att-18889\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-18889\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/158ab.png\" alt=\"158ab\" width=\"601\" height=\"392\" \/><\/a><\/p>\n<p><strong>Ciidamada Dhuumaalaysiga ku soo galay Garacad Farbaa ku godan!!!<\/strong><\/p>\n<p>Sidii loo sameeyey maamulka aan Dastuurka Waafaqsanayn ee Galmudug, DFS madaxweynaheeda Xasan Sheekh waxa uu ku waday Puntland iyo Shacabkeeda Colaad aad u xun.<\/p>\n<p><strong>Sheegashadii Gobolka Mudug ee Puntland<\/strong><\/p>\n<p>Ugu horayn Xasan Sheekh iyo tolkii waxay si gabasho la\u2019aan ah ku Sheegteen inay iyagu leeyihiin Gobolka Mudug ee Puntland, uuna maamulkoodu ka kooban yahay labada Gobol ee Mudug iyo Galgaduud oo buuxa.<\/p>\n<p>Markay taasi u socon wayday ayey waxay ku soo qaadeen Weerar bishii November 2015kii, iyagoo isku daygaas ku guulaysan waayey inay qabsadaan magaalada Gaalkacayo, kadib markii ay Shacabka iyo dawlada Puntland iska difaaceen.<\/p>\n<p><strong>DFS oo Ciidadamo kusoo daabushay Mudug ay ku taageerayso maamulka Cadaado!!<\/strong><\/p>\n<p>Qorshe ay DFS Ciidamo fara badan kusoo daabushay Gobolka Mudug ayey bilowday kadib weerarkii fashilmay, iyadoo marakan isku dayaysa inaysan Qorshaheedu Fashilmin.<\/p>\n<p><strong>Bariga magaalada Gaalkacyo<\/strong><\/p>\n<p>Balibusle oo u jira magaalada Gaalkacyo 70km ilaa Garoonka magaalada Gaalkacyo ee Cabdulaahi Yuusuf waxaa isku horfadhiya Ciidamo ay kuwa dhanka galmudug DFS kasoo daabushay magaalada Muqdisho si ay Colaad uga huriso Puntland kulana wareegto Gobolka Mudug.<\/p>\n<p>Dhanka Bari waxay Ciidamadu isku hor fadhiyaan shan Goobood oo kala ah Jeexdin. \u00a0Godod , Dajiimaale, \u00a0Ceel la helay iyo Laaso dheer dheer.<\/p>\n<p><strong>Galbeedka magaalada Gaalkacyo<\/strong><\/p>\n<p>Dhanka Galbeedka magaalada waxaa iyana la isku hor fadhiyaa ilaa magaalada Saaxo oo Gaalkacyo u jirta 60km ilaa Gaalkacyo.<\/p>\n<p>Dhanka Galbeedka meelaha ay\u00a0Ciidamadu isku hor fadhiyaan waxaa weeye afar Goobood oo kala ah Saaxo, Teerade, Dhagacyada iyo Balida u dhaxaysa Gaalkacyo iyo Dhagax yacsadde<\/p>\n<p><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/215-b.jpg\" rel=\"attachment wp-att-18745\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-18745\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/215-b.jpg\" alt=\"215-b\" width=\"640\" height=\"427\" \/><\/a><\/p>\n<p><strong>Magaalada Gaalkacyo Gudaheeda oo Ciidamo la soo Tubay<\/strong><\/p>\n<p>Magaalagada Gaalkacyo Gudaheeda ayaa waxay maamulka Cadaado oo taageero ka helaya DFS soo tubeen Ciidamo\u00a0 aad u fara badan kuwaasoo soo buux dhaafiyey dhamaan meelihii lagu dagaalamay dagaalkii november 2015ka.<\/p>\n<p>Gobolka Mudug\u00a0wuxuu caawa ku sugun yahay jawi Colaadeed, waxaana Ciimado isku dul fadhiyaan laga bilaabo Bulibusle ilaa Saaxo oo ah masaafo dhan 130km.<\/p>\n<p>Waxaa kaloo Caawo ku hoyatay gacan aan Puntland ahayn magaalada Garacad oo ay caawo Fiidkii qabsadeen Ciidamo gaaraya 1000 Askari.<\/p>\n<p>Waxaa Soomaali oo dhami taqaanaa labo walxood oo Alshabaab lagu yaqaanay oo aan ka jirin Garacad:<\/p>\n<p>1-Alshabaab 1000 Askari meel kuma weerarto, waa dharw boqol waxay wax ku weerartaa.<\/p>\n<p>2-Meesha ay weerarayso waxay u dirtaa Dhalinyaro u dhalatay Degaankaas, Ciidamada Qabsaday Garacad kuma jiraan wax Degaanka kasoo jeeda.<\/p>\n<p>Maxaa\u00a0laga fahmi karaa\u00a0Qabsashada Garacad?<\/p>\n<p>Waxaa laga fahmi karaa\u00a0Qabsashada Garacad:<\/p>\n<ul>\n<li>Inaysan Alshabaab ahayn waxa qabsaday ee ay DFS tahay<\/li>\n<li>In DFS ay duulaan ku tahay Gobolka Mudug iyo Puntland oo dhan.<\/li>\n<li>In Ciidamada ay kusoo daabulaysay DFS ay ka mid yihiin kuwa Garacad qabsaday.<\/li>\n<\/ul>\n<p>Idaacadaha taageera DFS ayaa faafinayey shalay inay Alshabaab Doonyo ka qaadatay Xarardheere taasooo ujeedku ahaa in la qaldo Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan reer Puntland.<\/p>\n<p>Dagaalkii Shalay &amp; Saaka ka dhacay dhanka Bari ee magaalada Gaalkacyo iyo Qabsashada Garacad iyo Duulaanka Qaawan ee Xasan Sheekh waaa wax isku Qoolaran oo aan la kala saari karin sinaba.<\/p>\n<p>Isku soo xeeriyoo Guud ahaan Puntland iyo gaar haan Gobolka Mudug ayaa waxay madaxa la galeen Colaad laga soo abaabulay magaalada Muqdisho uuna ka dambeeyo Xasan Sheekh oo Duulaan ku ah Puntland.<\/p>\n<p>Xaalku Mudug waxaa weeye Caawa ninkii yiri halhayskii caanka noqday ee ahaa \u201dGorayga Xudun iyo Nagaarwayne dhinacna uga degi waayey&#8230;&#8230;\u201d<\/p>\n<p>Puntlandes.com<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>DUULAAN QORSHAYSAN OO \u00a0MUDUG LAGU YAHAY 14 Marso 2016 (Puntlandes) \u00a0Maleyshiyo lagu sheegay Kooxda Alshabaab&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-18888","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-okategoriserade"],"views":2242,"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/18888","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=18888"}],"version-history":[{"count":5,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/18888\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":18895,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/18888\/revisions\/18895"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=18888"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=18888"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=18888"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}