{"id":19053,"date":"2016-03-18T16:30:48","date_gmt":"2016-03-18T15:30:48","guid":{"rendered":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=19053"},"modified":"2016-03-18T16:30:48","modified_gmt":"2016-03-18T15:30:48","slug":"sawiro-madaxweynaha-dawladda-puntland-oo-saraakiisha-ugu-sarraysa-ciidanka-dalka-itoobiya-kala-hadlay-la-dagaallanka-argagixida","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=19053","title":{"rendered":"Sawiro: Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Saraakiisha ugu sarraysa Ciidanka dalka Itoobiya kala hadlay la dagaallanka Argagixida"},"content":{"rendered":"<p class=\"oneComWebmail-MsoNormal\">Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed\u00a0 Cali Gaas oo subaxnimadii hore ee saaka soo gaadhey magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya ayaa maanta 18-March-2016 waxaa kulamo muhim ah la qaatay saraakiil sarsare oo ciidaan oo ay kamid ahaayeen Taliyaha Guud ee Ciidanka xoogga dalka Itoobiya General Samora Yonis iyo Taliyaha sirdoonka Millateriga\u00a0 dalkaasi General Gabredela.<\/p>\n<p class=\"oneComWebmail-MsoNormal\">Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa saraakiishaasi ciidan waxa uu kala hadlay sidii ay Ciidanka qalabka sida ee \u00a0Puntland ay gacan uga siin lahaayeen dagaalka adag\u00a0 ee ay kula jiraan kooxaha argagixisada ah ee\u00a0 Puntland duullaanka kusoo qaaday\u00a0 kuwaas oo doonaya in ay isku fidiyaan \u00a0geeska Afrika.<\/p>\n<p class=\"oneComWebmail-MsoNormal\">Madaxaweynaha ayaa sidoo kale saraakiisha kala hadlay muhiimadda ay leedahay Puntland iyo Itoobiya in ay iska kaashadaan is dhaafsiga xogaha la xidhiidha kooxaha argagixisada ah iyo cid walba oo wax u dhimaysa nabadda iyo xasiloonida gaamurtey ee ka hanaqaaday\u00a0 Puntland iyo Itoobiya, maadaama ay jirto xuduud dheer oo ay wadaagaan Puntland iyo Itoobiya.<\/p>\n<p class=\"oneComWebmail-MsoNormal\">Madaxweynaha\u00a0 ayaa sidoo kale sheegay in Puntland ay isaga filantahay cid walba oo isku dayda inay khalkhal nabadgelyo darro ka abuurto Puntland isla markaana aanay jirin baahi loo qabo keenitaanka ciidamo shisheeye balse ay ciidanka Puntland u baahan yihiin in lagala shaqeeyo\u00a0 dhinacyada Tababarrada iyo taakulaynta ciidanka.<\/p>\n<p class=\"oneComWebmail-MsoNormal\">Saraakiishaasi ciidan ayaa ballanqaaday Puntland inay kala shaqaynayaan wixii tababar ciidan iyo taakulayntooda la xidhiidha ee Puntland ay uga baahan tahay Itoobiya, isla markaasina ay diyaar u yihiin in Puntland iyo Itoobiya ay kawada shaqeeyaan dhinacyada isdhaafsiga xogaha cadowga burcad diimeedka ah, kaas oo ah\u00a0 cadowga keliya ee ay leeyihiin guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed iyo Itoobiya.<\/p>\n<p class=\"oneComWebmail-MsoNormal\"><b>&#8212;DHAMMAAD&#8212;<\/b><\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-70483\" src=\"http:\/\/www.sanaagpost.com\/spost\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/2b4e66ac-a600-4a55-b397-95578e6c0331.jpg\" alt=\"2b4e66ac-a600-4a55-b397-95578e6c0331\" width=\"640\" height=\"478\" \/><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-70484\" src=\"http:\/\/www.sanaagpost.com\/spost\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/5a020675-87ff-4a47-ab15-af5b69327665.jpg\" alt=\"5a020675-87ff-4a47-ab15-af5b69327665\" width=\"640\" height=\"478\" \/><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-70485\" src=\"http:\/\/www.sanaagpost.com\/spost\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/7ac967df-610b-4613-a9a2-587602b97110.jpg\" alt=\"7ac967df-610b-4613-a9a2-587602b97110\" width=\"640\" height=\"478\" \/><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-70486\" src=\"http:\/\/www.sanaagpost.com\/spost\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/145d3d6e-d532-44d1-ae1d-80c52b8da620.jpg\" alt=\"145d3d6e-d532-44d1-ae1d-80c52b8da620\" width=\"640\" height=\"478\" \/><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-70487\" src=\"http:\/\/www.sanaagpost.com\/spost\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/198a7d4e-b5ee-46eb-9b5e-c6bb45291ff0.jpg\" alt=\"198a7d4e-b5ee-46eb-9b5e-c6bb45291ff0\" width=\"640\" height=\"478\" \/><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-70488\" src=\"http:\/\/www.sanaagpost.com\/spost\/wp-content\/uploads\/2016\/03\/c6ec76bb-9043-40c5-bc57-7e4ee3fa729a.jpg\" alt=\"c6ec76bb-9043-40c5-bc57-7e4ee3fa729a\" width=\"640\" height=\"478\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed\u00a0 Cali Gaas oo subaxnimadii hore ee saaka soo gaadhey magaalada&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":19054,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-19053","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-okategoriserade"],"views":1334,"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/19053","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=19053"}],"version-history":[{"count":1,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/19053\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":19055,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/19053\/revisions\/19055"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/19054"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=19053"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=19053"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=19053"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}