{"id":19953,"date":"2016-04-06T19:02:44","date_gmt":"2016-04-06T17:02:44","guid":{"rendered":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=19953"},"modified":"2016-04-06T19:02:44","modified_gmt":"2016-04-06T17:02:44","slug":"sawirro-dhagayso-madaxweynaha-dawladda-puntland-oo-sagootiyey-waftigii-uu-hoggaaminayey-raiisul-wasaaraha-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=19953","title":{"rendered":"Sawirro-Dhagayso: Madaxweynaha Dawladda Puntland oo sagootiyey waftigii uu hoggaaminayey Ra\u2019iisul-wasaaraha Soomaaliya"},"content":{"rendered":"<p class=\"oneComWebmail-MsoNormal\">Madaxweynaha Dawaladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 6-April-2016 kusii sagootiyey garoonka diyaaradaha ee Kanoonoko\u00a0 ee duleedka Caasimadda Puntland ee Garoowe Ra\u2019iisul-wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiis Cali Sharma\u2019arke iyo waftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey ee\u00a0 Puntland u yimi xallinta khilaafkii u dhexeeyey Dawladda Puntland iyo Dawladda Federaalka Soomaaliya ee la xiriirey arrimaha doorashooyinka 2016, isla markaana ku sugnaa caasimadda Puntland muddada ka badan 10-ka cisho.<\/p>\n<p class=\"oneComWebmail-MsoNormal\">Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Puntland Axmed Cali Xaashi iyo xubno ka tirsan golayaasha wasiirada iyo baarlamaanka ayaa qayb ka ahaa sagootinta Ra\u2019iisul-wasaaraha Soomaaliya oo kusii jeedey magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.<\/p>\n<p class=\"oneComWebmail-MsoNormal\">Shir jaraa\u2019id oo ay garoonka diyaaradaha ku qabteen Madaxweynaha Dawladda Puntlan diyo Ra\u2019iisul-wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayuu Madaxweynaha Dawladda Puntland oo hadalka ku horreeyey ku sheegay in ay guul ku dhammaadeen hawlihii qaran ee uu Ra\u2019iisul-wasaaruhu u yimi Puntland isla markaasina ay maanta meesha u yimaadeen Sagootintiisii oo keliya.<\/p>\n<p class=\"oneComWebmail-MsoNormal\">Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa xusay heshiiskii taariikhiga ahaa ee\u00a0 dhowaan dawladda Puntland iyo Dawladda Federaalka Soomaaliyeed ay ku kala saxiixdeen magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland, waxaana uu ku tilmaamay in heshiiskaasi uu ahaa mid ummadda soomaaliyeed oo dhan ay dani ugu jirto isla markaana dhabbaha u xaadhaya waddadii looga gudbi lahaa marxaladaha adag ee doorashooyinka 2016-ka.<\/p>\n<p class=\"oneComWebmail-MsoNormal\">Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ay jiri doonaan shirar dambe oo lagasii amba-qaadi doono heshiiskii Garoowe, kuwaas oo dhidibada loogu taagi doono dawlad soomaaliyeed oo tayo leh oo soo celisa sharaftii iyo karaamadii Soomaaliyeed, shirarkaasi oo lagu qaban doono magaalooyinka Muqdisho, Garoowe iyo meelo kale.<\/p>\n<p class=\"oneComWebmail-MsoNormal\">Ra\u2019iisul-wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma\u2019arke ayaa geestiisa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay bisaylka siyaasadeed iyo waddaniyadeed ee dawladda Puntland muujisay, taas oo ah mid ay mudan tahay in ay soomaali oo dhammi kaga daydaan.<\/p>\n<p class=\"oneComWebmail-MsoNormal\">Sidoo kale ra\u2019iisul-wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in ay jiri doonaan shirar dambe oo looga hadli doono hirgelinta heshiiskii ay wada galeen Dowladda Puntland iyo Dawladda Federaalka Soomaaliyeed,\u00a0 kuwaas oo la xiriirey hannaanka geeddi-socodka doorashooyika 2016-ka iyo dhammaystirka dastuurka qabyo qoraalka ee Soomaaliya.<\/p>\n<p>Halkaan ka dhegeyso codka Madaxweynaha Puntland.<\/p>\n<audio class=\"wp-audio-shortcode\" id=\"audio-19953-1\" preload=\"none\" style=\"width: 100%;\" controls=\"controls\"><source type=\"audio\/mpeg\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/Codka-Madaxweynaha-6.mp3?_=1\" \/><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/Codka-Madaxweynaha-6.mp3\">http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/Codka-Madaxweynaha-6.mp3<\/a><\/audio>\n<p>Halkaan kadhegeyso Codka RW Soomaaliya.<\/p>\n<audio class=\"wp-audio-shortcode\" id=\"audio-19953-2\" preload=\"none\" style=\"width: 100%;\" controls=\"controls\"><source type=\"audio\/mpeg\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/Codka-Raiisul-wasaaraha-1.mp3?_=2\" \/><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/Codka-Raiisul-wasaaraha-1.mp3\">http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/Codka-Raiisul-wasaaraha-1.mp3<\/a><\/audio>\n<p class=\"oneComWebmail-MsoNormal\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-71749\" src=\"http:\/\/www.sanaagpost.com\/spost\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/IMG_4718.jpg\" alt=\"IMG_4718\" width=\"640\" height=\"426\" \/><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-71750\" src=\"http:\/\/www.sanaagpost.com\/spost\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/IMG_4734.jpg\" alt=\"IMG_4734\" width=\"640\" height=\"426\" \/><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-71751\" src=\"http:\/\/www.sanaagpost.com\/spost\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/IMG_4737.jpg\" alt=\"IMG_4737\" width=\"640\" height=\"426\" \/><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-71752\" src=\"http:\/\/www.sanaagpost.com\/spost\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/IMG_4743.jpg\" alt=\"IMG_4743\" width=\"640\" height=\"426\" \/><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-71753\" src=\"http:\/\/www.sanaagpost.com\/spost\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/IMG_4746.jpg\" alt=\"IMG_4746\" width=\"640\" height=\"426\" \/><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-71754\" src=\"http:\/\/www.sanaagpost.com\/spost\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/IMG_4749.jpg\" alt=\"IMG_4749\" width=\"640\" height=\"426\" \/><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-71755\" src=\"http:\/\/www.sanaagpost.com\/spost\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/IMG_4750.jpg\" alt=\"IMG_4750\" width=\"640\" height=\"426\" \/><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-71756\" src=\"http:\/\/www.sanaagpost.com\/spost\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/IMG_4753.jpg\" alt=\"IMG_4753\" width=\"640\" height=\"426\" \/><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-71757\" src=\"http:\/\/www.sanaagpost.com\/spost\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/IMG_4754.jpg\" alt=\"IMG_4754\" width=\"640\" height=\"426\" \/><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-71758\" src=\"http:\/\/www.sanaagpost.com\/spost\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/IMG_4755.jpg\" alt=\"IMG_4755\" width=\"640\" height=\"426\" \/><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-71759\" src=\"http:\/\/www.sanaagpost.com\/spost\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/IMG_4757.jpg\" alt=\"IMG_4757\" width=\"640\" height=\"426\" \/><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-71760\" src=\"http:\/\/www.sanaagpost.com\/spost\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/IMG_4758.jpg\" alt=\"IMG_4758\" width=\"640\" height=\"426\" \/><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-71761\" src=\"http:\/\/www.sanaagpost.com\/spost\/wp-content\/uploads\/2016\/04\/IMG_4760.jpg\" alt=\"IMG_4760\" width=\"640\" height=\"426\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Dawaladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 6-April-2016 kusii sagootiyey garoonka diyaaradaha&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":19954,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-19953","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-okategoriserade"],"views":1391,"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/19953","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=19953"}],"version-history":[{"count":1,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/19953\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":19957,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/19953\/revisions\/19957"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/19954"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=19953"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=19953"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=19953"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}