{"id":21747,"date":"2016-05-24T20:18:37","date_gmt":"2016-05-24T18:18:37","guid":{"rendered":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=21747"},"modified":"2016-05-24T20:21:43","modified_gmt":"2016-05-24T18:21:43","slug":"sawirro-madaxweynae-oo-qasriga-madaxtooyada-ku-qaabilay-wufuud-ka-kala-socotey-hayadaha-giz-iyo-world-vision","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=21747","title":{"rendered":"Sawirro: Madaxweynae oo qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wufuud ka kala socotey Hay\u2019adaha GIZ iyo World Vision"},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa galabta 24-May-2016 Hoygiisa qasirga Madaxtooyada dawladda Puntland ee Garoowe ku qaabilay Madax ka socotey hay\u2019adda \u00a0Jarmalka u qaabilsan mashaariicda horumarinta ee GTZ iyo World Vision \u00a0.<\/p>\n<p>Mas\u2019uuliyiintii ka socdey Hay\u2019adda GTZ\u00a0 oo ah \u00a0hay\u2019adda fulinaysa Mashruuca dhismaha iyo dayactirka waddada isku xirta magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey halka uu marayo mashruuca dhismaha iyo dayactirka waddadaasi, isla markaana <strong>waxa ay sheegeen in dhismaha waddada ay\u00a0 bilaabi\u00a0 doonaan bisha September 2016-ka\u00a0 soona\u00a0 geba-gebayn doonaan bisha \u00a0September 2017-ka.<\/strong><\/p>\n<p>Hay\u2019ada GTZ ayaa sidoo kale ballan qaaday in ay tayayn doonaan korna u qaadi doonaan \u00a0xirfadlayaashaa ka hawlgala hay\u2019adaha dhismaha wadooyinka Puntland oo ay ka mid tahay hay\u2019adda waddooyinka Puntland ee NESHA si waayo aragnimadooda loo kocbiyo.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Dawlada Puntlanda ayaa dawladda Jarmalka ku ammaanay dedaalka ay ugu jirto dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha Puntland isla markaana waxa uu sheegay in ay garab taagnaan doonaan lana shaqayn doonaan \u00a0hay\u2019adda GTZ ee fulinaysa mashruuca dhismaha wadada isku xidha magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo.<\/p>\n<p>Dhinaca Madaxweynaha Dawlada Puntland ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa hay\u2019adda World Vision ee Soomaaliya Simon Nyabweng \u00a0iyo wafdi uu hoggaaminayo, waftigaas oo Madaxweynaha kawada hadleen dar-dargelinta mashaariicda ay hay\u2019adda World Vision ka fuliso Puntland, mashaariicdaas oo ay ka mid yihiin Waxbarashada iyo Caafimaadka.<\/p>\n<p>Simon Nyabweng ayaa dhankiisa ballan qaaday in World Vision ay Puntland ka hirgelin doonaan iskuullo iyo \u00a0xarumaha xannaanada hooyada iyo dhallaanka (MCH) sidoo kalena waxa uu sheegay in ay Cusbitalka weyn ee Garoowe \u00a0kusoo kordhin doonaan qayb cusub oo lagu xannaanayn doono carruunta dhasha iyagoo aan gaarin \u00a0xilligoodii (Toddobo ku dhaley) iyo carruunta jirrooyinka kala duwan ku dhalata.<\/p>\n<p>Ugu dambayn \u00a0hay\u2019adda World Vision ayaa balan qaaday in ay u abuuri doonaan dhallinyarada Puntland xirfado kala duwan oo ay ku maareeyaan noloshooda sida farsamooyinka gacanta iyo aqoon korodhsiga xirfadaha gaagaaban.<br \/>\n<img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-74633\" src=\"http:\/\/www.sanaagpost.com\/spost\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/IMG_9501.jpg\" alt=\"IMG_9501\" width=\"640\" height=\"427\" \/><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-74634\" src=\"http:\/\/www.sanaagpost.com\/spost\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/IMG_9506.jpg\" alt=\"IMG_9506\" width=\"640\" height=\"427\" \/><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-74635\" src=\"http:\/\/www.sanaagpost.com\/spost\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/IMG_9511.jpg\" alt=\"IMG_9511\" width=\"640\" height=\"427\" \/><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignleft size-full wp-image-74636\" src=\"http:\/\/www.sanaagpost.com\/spost\/wp-content\/uploads\/2016\/05\/IMG_9516.jpg\" alt=\"IMG_9516\" width=\"640\" height=\"427\" \/><br \/>\nPuntlandes.com<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa galabta 24-May-2016 Hoygiisa qasirga Madaxtooyada dawladda&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":21748,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-21747","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-okategoriserade"],"views":1500,"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/21747","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=21747"}],"version-history":[{"count":3,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/21747\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":21751,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/21747\/revisions\/21751"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/21748"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=21747"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=21747"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=21747"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}