{"id":22094,"date":"2016-06-02T18:35:06","date_gmt":"2016-06-02T16:35:06","guid":{"rendered":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=22094"},"modified":"2016-06-02T18:35:48","modified_gmt":"2016-06-02T16:35:48","slug":"sawiro-madaxweynaha-iyo-xoghayaha-arrimaha-dibedda-ee-britain-oo-muqdisho-ku-kulmay","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=22094","title":{"rendered":"Sawiro: Madaxweynaha iyo Xoghayaha arrimaha dibedda ee Britain oo muqdisho ku kulmay"},"content":{"rendered":"<article class=\"post-306203 post type-post status-publish format-standard has-post-thumbnail hentry category-wararka\">\n<div class=\"entry clearfix\">\n<p align=\"left\">Muqdisho, 2 June 2016 Madaxweynaha DFS\u00a0Xasan Sheekh ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Britain Philip Hammond oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.<\/p>\n<p align=\"left\">Madaxweynaha ayaa wafdiga uga xog waramey xaaladda dalka, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, amniga, dib u dhiska ciidammada iyo mahad celin ku saabsan taageerada Britain ee Soomaaliya.<\/p>\n<p align=\"left\">Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Britain Mr Hammond ayaa ugu horeyn Madaxweynaha uga tacsiyeeyay geerida shacabkii xalay ay argagixisada ku dileen Muqdisho, waxaana uu intaa kadib soo dhoweeyay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso dhinacyada siyaasadda, amniga, la dagaalanka argagixisada iyodib u soo nooleynta hay\u2019adaha dowliga.<\/p>\n<p align=\"left\">Labada dhinac ayaa si qota dheer uga wadahadley iskaashiga dhinaca amniga, xoojinta barnaamijka dowladda ee la socodka nidaamka maaliyadda, taageerada barnaamijka isku dhafka ciidammada, iyo wadashaqeynta ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM iyo ciidammada Soomaaliya.<\/p>\n<p align=\"left\">Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa sidoo kale wasiirka u xaqiijiyey in Soomaaliya ay ka go\u2019an tahay inay sannadkan doorasho qabato, taas oo dhici doonta waqtiga loogu talagaley ee ah bisha August ee sannadkan 2016-ka. Waxaa uu Madaxweynaha ka codsadey Mr Hammmond inuu salaan iyo mahadnaq ka gaarsiiyo Ra\u2019iisul Wasaaraha Britain, David Cameron.<\/p>\n<p align=\"left\">Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Britain, Mr Philip Hammond ayaa iska hadalkiisa ku soo gabagabeeeyay in Britain iyo xukuumadda Ra\u2019iisul Wasaare Cameron ay ka go\u2019an tahay taageerada Soomaaliya, dhinacyada horumarka, kaabeyaasha dhaqaalaha, amniga iyo wax walba oo gacan ka geysanaya in mar kale Soomaaliya ay cagaheeda dib isu taagto.<\/p>\n<p align=\"left\">Kulankan waxaa sidoo kale ka qeybgaley Ra\u2019iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Cumar Cabdirashiid Sharma\u2019arke, iyo mas\u2019uuliyiin ka tirsan labada dhinac.<\/p>\n<p align=\"left\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-306204\" src=\"http:\/\/www.radiomuqdisho.net\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/1.png\" sizes=\"auto, (max-width: 745px) 100vw, 745px\" srcset=\"http:\/\/www.radiomuqdisho.net\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/1-300x169.png 300w, http:\/\/www.radiomuqdisho.net\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/1-580x326.png 580w, http:\/\/www.radiomuqdisho.net\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/1-174x98.png 174w, http:\/\/www.radiomuqdisho.net\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/1.png 745w\" alt=\"1\" width=\"745\" height=\"419\" \/><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-306205\" src=\"http:\/\/www.radiomuqdisho.net\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/2.png\" sizes=\"auto, (max-width: 745px) 100vw, 745px\" srcset=\"http:\/\/www.radiomuqdisho.net\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/2-300x169.png 300w, http:\/\/www.radiomuqdisho.net\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/2-580x326.png 580w, http:\/\/www.radiomuqdisho.net\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/2-174x98.png 174w, http:\/\/www.radiomuqdisho.net\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/2.png 745w\" alt=\"2\" width=\"745\" height=\"419\" \/><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-306206\" src=\"http:\/\/www.radiomuqdisho.net\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/3.png\" sizes=\"auto, (max-width: 745px) 100vw, 745px\" srcset=\"http:\/\/www.radiomuqdisho.net\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/3-300x169.png 300w, http:\/\/www.radiomuqdisho.net\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/3-580x326.png 580w, http:\/\/www.radiomuqdisho.net\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/3-174x98.png 174w, http:\/\/www.radiomuqdisho.net\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/3.png 745w\" alt=\"3\" width=\"745\" height=\"419\" \/><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-306207\" src=\"http:\/\/www.radiomuqdisho.net\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/4.png\" sizes=\"auto, (max-width: 745px) 100vw, 745px\" srcset=\"http:\/\/www.radiomuqdisho.net\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/4-300x169.png 300w, http:\/\/www.radiomuqdisho.net\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/4-580x326.png 580w, http:\/\/www.radiomuqdisho.net\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/4-174x98.png 174w, http:\/\/www.radiomuqdisho.net\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/4.png 745w\" alt=\"4\" width=\"745\" height=\"419\" \/><\/p>\n<p align=\"left\">Puntlandes.com<\/p>\n<\/div>\n<\/article>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho, 2 June 2016 Madaxweynaha DFS\u00a0Xasan Sheekh ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Xoghayaha&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":22095,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-22094","post","type-post","status-publish","format-standard","has-post-thumbnail","hentry","category-okategoriserade"],"views":1229,"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/22094","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=22094"}],"version-history":[{"count":3,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/22094\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":22101,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/22094\/revisions\/22101"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/media\/22095"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=22094"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=22094"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=22094"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}