{"id":23097,"date":"2016-06-27T12:29:06","date_gmt":"2016-06-27T10:29:06","guid":{"rendered":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=23097"},"modified":"2016-06-27T12:29:06","modified_gmt":"2016-06-27T10:29:06","slug":"raysul-wasaare-cumar-wasiir-burci-wuxuu-ka-dhintay-qaranka-soomaaliyeed-isagoo-hawshiisa-gudanaya","status":"publish","type":"post","link":"http:\/\/www.puntlandes.com\/?p=23097","title":{"rendered":"Raysul Wasaare Cumar \u201cWasiir Burci Wuxuu ka dhintay qaranka Soomaaliyeed isagoo hawshiisa gudanaya&#8221;"},"content":{"rendered":"<p>27 June 2016 (Puntlandes)Raysul Wasaaraha DFS\u00a0Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa tacsi tiiraanyo leh u direy qoyska, ehelka iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Wasiiru-dawlihii Xafiiska Raysul Wasaaraha ee Arrimaha Deegaanka (Bii\u2019ada) Xildhibaan Burci Maxamed Xamsa. Raysul Wasaaraha ayaa sheegay in wasiirku dhintay isaga oo u halgamaya dib-u soo kashada Qaranka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p><a href=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/226-2.jpg\"><img loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone  wp-image-22742\" src=\"http:\/\/www.puntlandes.com\/wp-content\/uploads\/2016\/06\/226-2.jpg\" alt=\"226-2\" width=\"373\" height=\"249\" \/><\/a><\/p>\n<p>Raysul Wasaaraha oo sii hadlaya ayaa yiri\u00a0\u201cWaxaa dishay gacan ka xaqdaran oo dambiile ah, qolada Alshabab ee maanta ku faaneysa inay dad isku qarxiyaan waxaan u sheegayaa shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed in ay ka guuleysan doonaan. Wuxuu ka dhintay qaranka Soomaaliyeed isagoo hawshiisa gudanaya, Ilaahay waxaan uga baryayaa marxuumkii howlaha muhiimka ah qaranka u hayay inuu janaddiisa ka waraabiyo ,shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxayna ka siiyo samir iyo Iimaan\u201d.<\/p>\n<p>\u201cWalaalkeen Burci Maxamed Xamsa Allaha u naxariisto, wuxuu ahaa intaan ka aqaaney nin aad u qiima badan oo howlaha qaranku leeyahay isla soo wadnay sanooyinkii u danbeeyey,\u201d.ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey Ra\u2019iisul Wasaare Cumar.<\/p>\n<p>Marxuumku waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay qaranka Soomaaliyeed isaga oo la soo shaqeeyey guud ahaan madaxdii kala duwanayd ee soo martay hogaanka dalka sanadihii danbe oo uu ilaa wakhtigan ahaa Wasiiru-dawlaha Bii\u2019ada ee Xafiiska Raysul Wasaaraha.<\/p>\n<p>\u2014-DHAMMAAD\u2014<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>27 June 2016 (Puntlandes)Raysul Wasaaraha DFS\u00a0Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa tacsi tiiraanyo leh u direy&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":0,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"class_list":["post-23097","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-okategoriserade"],"views":1260,"_links":{"self":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/23097","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=23097"}],"version-history":[{"count":1,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/23097\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":23098,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/23097\/revisions\/23098"}],"wp:attachment":[{"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=23097"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=23097"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"http:\/\/www.puntlandes.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=23097"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}